Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muna maxamed maxamud on December 24, 2018, 09:29:11 AM

Title: Su'aal: Waxba iima uraan iimana carfaan?
Post by: Muna maxamed maxamud on December 24, 2018, 09:29:11 AM
Asc dhamaan bahda websiteka iyo daqaatirka
Sln kadib  digtoore waxaan qabaa su aal  da'deedana 21
In kabadan muddo sanad ah  waxaan daremaa inuu badanaa dareenka urka ama carafta uu iga tago
Xaqiiqdii waxaan dareemay muddo sanad kahor tijaaba ah waxa dadka usoo carfa iney aniga isoo gaari waayaan lknse markaas wax xanuun madareemeenin balse bilooyinkaan danbe waxaan dareemayaa xanuun dhanka madaxa ah iyo daal dhamaan jirka ah indho xanuun xitaa dhago xanuun  mararka qaar waxaan taabashada wajiga iney i dhibeeso 
Markii hore waxan qabay cillad sanboorka waxaa aad ii dhibi jiray carafta oo saa id ii soo gaari jirtay balse kadib sanboorkii wuu iga tagay  lknse cilladaha aan soo sheegay ayaa arkay  xitaa hindhisyadeeda wey yaraatay 
Guud ahaan waxaan daremayaa cilad ah  madaxa dhagaha indhaha ilaa dhuunta 
Walina ma aanan tagin dhaqtar
Insha allah waxaan raneynayaa  calamadahaas aan kuu sheegay waxa ay noqon karaan
FG waxaa aad ii dhiba qabowga uma adkeensan karo qabowga 
Title: Re: Su'aal: Waxba iima uraan iimana carfaan?
Post by: SomaliDoc on April 28, 2019, 11:31:33 AM
Unugyada qaabilsan wax urinta iyo carfinta wuxuu alle ku abuuray xuubka sanka gudihiisa ku dahaaran, sidaa darteed dadka qaba cuncunka sanka, sanboorka iyo caabuqa sanqada intaba waxay la kulmaan wax uris iyo wax carfin la'aan, waxaad u baahan tahay inaad la xiriirtid dhakhtar dhagaha, sanka iyo cunaha ku takhassusay "ENT" si uu kuu wiisiteeyo, daawane kuugu qoro. sidoo kale akhriso qoraaladaan muhimka:
1- Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0)
2- Caabuqa sanqada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)
3- Hilibka sanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5630.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5630.0)