Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: InaNuur on December 25, 2018, 01:20:56 AM

Title: Su'aal: Kala Gosyada ayaa i xanuunooyo?
Post by: InaNuur on December 25, 2018, 01:20:56 AM
Assalaamu Caleykum Dhamaan Inta ku lug leh SomaliDoc salaan kadib ilaaheey unbaa abaalkiina gudi karo ee adduun iyo aakhiro alaha abaalkiina gudo
Su'aasha aan qabo ayaa ah waxaan ahay 32 jir aad kubadda u dheeli jiray hadase aan laba mar ka badan isbuuci dheelin xaaslena waan ahay culeyskeyguna wuu kordhay waxaan isku arkay markaan kubadda ciyaaro ama aan jaran jaro koraayo ama aan xoogaa lugeeyo waxaan daal ka dareemaa jilbaha hadaan sii joogteeyo kubad dheelistaas xoogaa xanuun ayaan ka dareemaa jilbaha markaan kubadda ka nastona xanuunku waa iga Ba'aa waxaa kaloona jirto markaas aan shaqada ka badiyo inaan dareemo in jilbuhu ila tabar daran yihiin ee Dhaqtar maxuu noqon karaa xanuunkaas?  Ma culeyskaa keenaya ma dheelis la'aanta ama dheelista yarbaa keeneysa mise waxaa.laga yaabaa in wax kalena jiraan
Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Kala Gosyada ayaa i xanuunooyo?
Post by: SomaliDoc on April 28, 2019, 11:38:40 AM
Haddii aysan horay jug kuu gaarin ama aadan qabin xanuun hidde ah oo lafaha galo, waxay u badan tahay in culeyskaaga uusan xamili karin jilbaha weliba markaad jimicsi ama banooni ciyaaritd, taladaydu waa inaad miisaanka dhintaa kana fogaataa jimicsiyada culeyska saarayo jilbaha, haddiise ay cillad kale jirto oo jimicsiga uga sii darayo, waxaad akhrisataa qoraalkaan oo aan kaga hadalnay cilladaha keeno jilbo-xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6333.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6333.0)