Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhyaar on April 09, 2016, 10:58:34 AM

Title: Su'aal: lalleemada, sideese looga hortegi karaa?
Post by: Akhyaar on April 09, 2016, 10:58:34 AM
Ascw, walaal maxaa keena lalleemada, sideese looga hortegi karaa?
Title: Re: Su'aal: lalleemada, sideese looga hortegi karaa?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 02:51:48 PM
Laleemada way ku dhici kartaa dhalinyarada, waxayna ka timaadaa cillad gaarto maskaxda qeybta kontoroolka qaabilsan.
Waxyaabaha dhalinyarada u keeno waxaa ka mid ah:
Jug madaxa gaartay
Daawooyinka qaar
Cabidda khamariga
Xanuunada maskaxda ku dhaco ha ahaadaan kuwa lagu dhasho iyo kuwa qofka soo gaaro
Cabidda kaffeyga oo siyaadada ah
Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka
Xanuun difaaca jirka ka dhasho oo loo yaqaano "Multiple Sclerosis"

Haddii qof dhalinyaro ah lagu arko arrintaan waa in si dhakhso ah loola xiriiriyo dhakhtar si loo ogaado cilalda jirta, baaritaanadu waxay isugu jiraan dhiigag iyo qalab scan oo madaxa lagaa saaro.

Dadka waawayn cudurka laleemada ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2393.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2393.0)