(http://img.medscape.com/pi/emed/ckb/endocrinology/116364-138556-117365-138806.jpg) | Daawooyinka steroidka waa daawooyin leh waxyeello badan haddii jirka ay ka bataan waxayna keenaan cudur loo yaqaanno "Cushing Syndrome". Cudurkaan oo leh calaamado badan oo kulligood ka yimid waxyeellada daawada steroidka oo saameysa hababka jirka oo kala duwan. Sida aan ka dareemay hadlkaakagane daawada uma konrtoolna hooyo ee markii ay dhamaysataba baakad ayaa farmashiga uga soo gadaa, daawadaanne sidaan looma qaato dhibaatadaan darteed. Calaamdaha waxaa ka mid ah: # Miisaanka wuu siyaadaa ee ma nuqsaamo (taasoo barar u eg weliba wajiga, dhabarka qeybta kore iyo kalxamaha korkood oo caddiin fuusho) # Wejiga oo gaduuto weliba daamanka oo qofka u ekaado inuu wax marsaday. # Timaha oo khafiifo ama daato. # Xarriiqmo dhaadheer oo caloosha ku sameesmo, barida, dhabarka qeybta hoose, cajirada iyo naasaha. # Meelaha qaar jirka oo dhiig fariisto ama in jug ay gaartay u eg. # Maqaarka oo qafiif noqdo oo jiidjiidmo. # Wajiga oo timo xaad khaafiif ah ka soo muuqdaan. # Dhiig-kar # Gaas calooleed # Murqaha addimaha oo daciifo # Lafo-beel taasoo keenot lafo jajab joogto, Tuur iyo sino beel. # Tabardarro iyo niyad jab # Saameyn xagga aragtida # Gacmo iyo lugo caato ah # Raysashada nabraha oo daaho TALO: Takhtar la xiriir adigoo hooyo ka joojin daawooyinka steroidka maxaa yeelay waxaad u baahantahay haddii la joojinayo xitaa in qaabka loo joojin lahaa in aad kala tashato takhtar maxaa yeelay haddii daawada steroidka si kadis ah hal mar la joojiyo waa halis oo qofka wuu u dhiman karaa. Mida xigta haddii sida aan filayo hooyo ay qabto IINTA KUSHING waa in laga daaweeyo oo la siiyo daawo ka hortagayso dhibka ay keentay daawadaan, cudurka COPD-na qaab kale oo loo daaweeyo loo raadiyo. Takhaatiirta waxay steroidka ku daaweeyaan COPD laakiin iyadoo la qoro cabirka ugu yar oo la qaato muddada ugu yar (Lowest Dose for the Shortest Period). Badanaa Steroid injection (Cirbad) halistooda dartood waa laga fogaadaa in loo isticmaalo daaweynta COPD, maxaa yeelay markii afka laga qaato ayaa la arkay in bukaannada COPD qaba ay ku dareemaan fiicnaan. Soomaalida fikrad qaldan ayay ka aaminsanyihiin daawooyinka steroidka, halista ay keensanayaane ma yaqaannaan, weliba meelaha qaar waxaa loo yaqaannaa "Cirbadda Naqaska" oo way isku nuftaan weliba si joogto ah iyadoo lagu daaweynayo wax kasto. Kama maarmaysid in aad la xiriirtid takhtar. Haddii ay jiraan su'aalo dheeraad ah oo ku aadan xaaladdaan waad na weydiin kartaa. |