Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamedalhashi on May 13, 2015, 07:01:27 AM

Title: Su'aal: Vitamin iska qaadashada iyo caafimaadka?
Post by: Mohamedalhashi on May 13, 2015, 07:01:27 AM
Asc all somali doctor waan idin mahadcelinayaa mahad ka bacdi waa alhash jooga italy....,... waxaan soo qaatay waxoogaa vitamin ah (syrub or tablet) markaas vitamin kaas ma iska cuni karaa iyada oo aan dhakhtar ii qorin...mise dhibaato ma leedahay is ka qaadashada vitamin ku ama iska cunidiisu.
Title: Re: Su'aal: Vitamin iska qaadashada iyo caafimaadka?
Post by: SomaliDoc on May 16, 2015, 05:27:23 PM
(http://somalidoc.com/Topics/fitamiindaawo.png)

Fitamiinka ma ahan cunno ama biyo oo kale oo qofka iska soo gadan karo haddii aysan cilladi jirin, sababtoo ah, jirka ilaahay ayaa ugu talagalay wuxuu u baahan yahay si dabiici ah in uu uga helo cunnada aad cunaysid khaas ahaan haddii ay tahay cunno isku dheelli tiran.

Dad baa aaminsan in haddii daawo qallajiye aad qaadanaysid in fitamiin la raaciyo si aysan kuu qallajin daawada!, taasine ma ahan mid jirto, waxaa jiro iyadane dad aaminsa in fitamiinka lagu cayilo ama qofkii miisaankiisa hooseeyaba in fitamiinka uu ku yaryahay.
Waxaa kaloo jira qolo iska soo gadato fitamiinka iyadoo aysan baahi jirin.

Fitamiinnada daawada laga soo dhigay ma ahan dabiici oo kiimiko fitamiinnada isku hayso ama ka ilaalinayso in ay is badalaan ama jirka ku hawlgaliyo ayaa lagu soo daraa, hadduu qofka isagoo u baahnayn uu qaato ama iska badiyo waxay  u keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo loo yaqaanno "Hypervitaminosis" tan oo macnaheeda ah haddii aad fitamiin dheeraad ah qaadatid, waad ku sumoobi kartaa oo dhibaato ayaad ka dhaxli kartaa.

Fadlan haddii aad cunno dabiici heli karto, nafaqo darrane aysan ku haynin, caafimaad xumo aysan ku hayn, wixii eebbe ku siiyay ka faaidayso oo daawooyinka la soo warshadeeyay ka fogow intaa ka fogaan kartid.

Arintaani waa muhiim in aad fahanto maxaayeelay waa khiyaanada ay hadda adeegsadaan shirkado badan oo wax kasta oo ay rabaa in ay suuq u helaan ku soo qoraan inuu dabiici yahay ama wax dabiici ah laga soo sameeyay, sida kareemyada korka la marsado, daawooyinka qaar iyo waxyaabo kalaba.http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

Halkaan aka khriso qoraal ku saabsan fitamiinnada noocyadooda kala duwan, waxa ay jirka u taraan, haddii ay yaraadaan waxa ay keeni karaan iyo cunnada laga helo intaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)