Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on May 07, 2017, 01:23:20 PM

Title: Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada
Post by: Ashom on May 07, 2017, 01:23:20 PM
Markii qof aaan wax isku qabano oo hadlo ama aan hadlo oo hadal ka lagala sugto aniga mar walbo waxaa isii furmeeyso daaqado badan oo ii sahlaayo ineey sheekadu dheeraato anoo ula jeedin inaa muran dhalsho lkn aan kawado xal ahaan in la ogaaado xalka .. tusaale

Su'aal ayaa sooqoray waxaan usoo qoray somalidoc..

Kabasoo qaad waxaa lagu dooday mxaad ugu qortay su'asha somalidoc
  Saacaas lajoogo ee su'aashaas leey weeydiiyay maskaxdeeyda fikir kale ayeey xambaarsan tahay  ooo waxaaa dhahay somalidoc maxaaa loo sameeyay lkn qof ka waxoo sugaayay inaa sheego sababtaa ugu qoray

Marka sida su'al iyo jawaab loo wado waxaa soobaxeeyso in somalidoc su'aal laweeydiin karo looguna tala galay. Sidaas ayoo qof ku ogaanaa sababta anoo usheegin ayoo afkiisa isugu jwaabaa...
 

Saas aawgeed aniga waxaa jeclahay intii qof sheeko dheer laga dhegeesan lahaay oo aqbal ama diidmo lagaari lahaay in lagu daro su'aal iyo jawaab

Halagu daro su'aalaha lkn waa nuucee waa nuuuca dad ku igu naceen..  tusaale
 
Ganacsi  aan galno ayaa dhahnay ..okay lawada dhahay

Su'aal katimid sidee u gadnaa product ga
Qofaa dhahay sidaas iyo sidaas
 Anaa ku celinaa hadoo diido kawaran

Waaa heeysaneenaa ayoo iigu jawaabaa

Aniga kama harin hadaa heeysano maxaa faa'idnay

Waxoo dhahaa hantideeyna aya  noo baaqaatay

Waxaa kusii celshay hadeey baaqatay Soo kama fiicno inaa gadno
 Waxoo dhahaa haaa  lkn ma dhicin

Kama harin waxaa dhahay sidee uga fogaan karnaaa ...yaana kugu dheereeyn..Calashaan maskax deeyda kama dhamaato su'aaal xal lagu raadinaayo

Dabcigsaas waa dabcigee dabciyadaa nabarteen somalidoc
Maxaase looyaqaan qof kaas

Mase arin culeeys keed leh baa mase waaa wax normal

Maadama aaan jeclahay wax walbo oo yimaad inaa jawaab u raadsho
Title: Re: Su'aal: Markii aan qof wax isku qabanno...?
Post by: SomaliDoc on October 09, 2017, 04:54:49 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caqabad.png)

Waxaan casharkaan kaga jawaabi doonnaa dabciga faahfaahintiisu kor ku xusan tahay, kaasoo ah in qofku taxaddar dheeraad ah muujiyo inta uusan go'aan ka qaadan arrin hor taalla, dhinac walbane u rogrogo, kana keeno su'aalo badan, taasoo dadka qaarkood u arki karaan dabci qallafsan oo shakki iyo go'aan qaadasho la'aan ku dheehan, qadarta Allane ka soo horjeeda, fadlan akhriso su'aasha kore inta aadan jawaabtaan akhrisan si aad u fahantid waxa aan ka hadlayo.

Bismillah,

Dabciga aad leedahay ee aad kor ku faahfaahisay wuxuu qeyb kasii yahay mid ka mid ah 5-ta shakhsiyadood ee aan horay u soo falaanqeeyay, kaasoo magaciisu ahaa "Conscientiousness personality", faahfaahintane waxaad ka akhrisan kartaa link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7943.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7943.0) si aad u ogaatid dabciyada kale ee kuu qarsoon.

Tani waa astaan lagu garto qofka shakhsiyadaas leh inkastoo qof walba heer u gaarsiisan tahay, laakiin waa dabci aad u fiican hadduu dhexdhexaad noqdo, qofkane ku talax tagin.

Sida ka muuqato faahfaahintaada, waxaad ku dadaalaysaa in howsha aad ku dhaqaaqi rabtid ay leedahay khuddo labaad (Plan B) lacalla haddii middii hore ay fashilanto iyo in fashilkaasi xal ka gaarsiis ah uu yeelan karo, Laakiin waxaa haboon in qofkaad la sheekeysanaysid in aad la wadaagtid caqabadaha kuu muuqda oo ka horimaan kara go'aanka aad diidan tahay, taasi waxay sahlaysaa in la ogaado sababta aad u diidan tahay go'aankaas, waxayna arintaas ka hortagaysaa in si khaldan laguu arko, dadkuna waxay siinaysaa kalsooni iyo in taladaadu tahay mid gorfeeyay. nasiib xumo haddii hadalka aad soo koobtid sida ka muuqato tusaalooyinka kore, waxaad u muuqanaysaa qof caqabad ku ah mashruuca la qorsheynayo ama aan diyaar u ahayn inuu wax qabto.

Dabciga aad tilmaantay waa mid fiican, waxaana loo yaqaanaa "Problems solver persnoality" taasoo macnaheeda ah "dabciga xalliyaha caqabadaha".

Dad badan ayaa fikrado khaldan ka aaminsan dabcigaan qofka iska leh, sida inuu yahay:

Intaas iyo kuwa ka badanba waxay u soo muuqan kartaa dadka qaar ee la dhaqma qofka dabcigaan leh, laakiin waxaa looga hortagi karaa talada kor ku xusan.

Inkastoo dad dhif ah ay dabcigaan Alle ku abuuray laakiin waa dabci la kasban karo oo aqoon iyo tababar u baahan, waxaadne ku yeelan kartaa dabcigaan adigoo raaca 10-kaan qodob ee hoos ku qoran:


Dadka dabciga kore leh, waxuu Alle ku abuuray 10-kaas sifo taasoo ka dhigayso dad ku fiican xallinta khilaafaatka iyo ka hortagga caqabooyinka aan u muuqan dad badan, waxayna heerkaas ku gaareen inay maskaxdooda mar walba ku jirto falaanqayn iyo qorshayn joogto ah oo ay ku raaxaysanayaan, waxaa la yiraahdaa dadka dabcigaan leh waxay ku fiican yihiin inay bartaaan cilmiga caafimaadka, cilmiga qaanuunga iyo cilmiga waxbaridda, maadaama ay tahay aqoon u baahan xilli walba falaanqayn, qorshayn iyo lafa-gurid, maskaxdane laga shaqeysiiyo.

Haddii aad leedahay dabci kuu gooni ah oo aad jeceshahay inaad wax ka ogaatid, noogu soo dir qeybta su'aalaha waan kaaga soo jawaabi doonnaa insha'llah, Laakiin haddii aad u baahan tahay inaad dhakhtarka si toos ah ula xiriirtid, farriin iigu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada
Post by: Ashom on October 20, 2017, 07:06:27 AM
Well done ...sidaa sheektay macalin ayaa ahay ..ardayda markaa wax fahansiinaayo hal meel kama tuso

Ardaygu waa qoslaa markaan qaab kale ugu sharaxo oo waxoo dareemaa qosol gariir...
Sidoo kale dad ka meesheey wax ka arkaan kama arko

Sidoo kale waa sax majecli in laguul dareeysto ..arinta markii lasameey naayo waa in xal kale jeeb noogu jiraaa

Masha Allah aad umahadsan tahay somalidoc.com
Title: Re: Dabciga Ka Baaraan Dagidda Go'aan Qaadashada
Post by: Deeqo Ali on March 15, 2020, 02:48:34 PM
Ani xataa dabcigaas waa lee yahay qofkaan see ku heli karaa aniga calista khilaafaadka ayaa bartay conflict resolution