Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abshir433 on March 11, 2019, 09:51:05 AM

Title: Su'aal: Laba sano ayaa caloosha la iga hayaa?
Post by: Abshir433 on March 11, 2019, 09:51:05 AM
Asc aad ayaad u mahadsantihiin  bahda somalidoc waxan qabaa su aashan ,iminka ilaa mudi laba sana ah ayaan caloosha ka cabanayaa ,waxan leeyahay calool xanuun aan saa usii badnayn ,calooshu masoconayso laakin way qudhudhuclaysaa waxann leeyahay tamar dari aada,daal fara badan ,dhinaca midigta ee caloosha ka hoosaysaa way i xanuunta,dhakhaatiir fara badan ayaan u tagay mid kastaa saxaro ayuu iga qaaday wuxuna igu yidhi negative ayaad tahay ,badan kood waxay isoosiiyeen "metridezole ,tinidezile,amprezole" wax aan iskaga gartay majiro ,waxaan isi saaray ultrasound isna waxba kumuu arag  .ilatalya ilaahay ayaa caafimaadka haya
.
Title: Re: Su'aal: Laba sano ayaa caloosha la iga hayaa?
Post by: SomaliDoc on February 09, 2020, 12:29:48 PM
Walaal waxyaabo badan ayaa keeni kara calool xanuunka, waxaa ka mid ah caabuqa caloosha, gaaska, mindhicirrada kacsan iyo cillada kaloo badan.
Taladaydu waa inaad caloosha socodsiisaa maadaama aad sheegtay in calooshaadu ay fadhiso, mararka qaar calool fadhiga muddada qaatay waxay keentaa in mindhicirrada ay qashin isku xiraan khaasatan meelaha gooladda ay ka leeyihiin sida meesha aad tilmaantay oo kale.

Haddii intaas kadib isbadal isku arki waysid isi saar, raajada casriga ee CT Scan ama MRI, haddii cillad qarsoon ay jirto isagaa lagu arki doonaa insha'llah