Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on January 09, 2011, 12:02:36 PM

Title: Su'aal: Farqiga u dhaxeeya Gram Negative iyo Gram Positive?
Post by: Barkhat on January 09, 2011, 12:02:36 PM
asalaamu calaykum walaal,
bacda salaan waxaan markasta idiinka mahadcelinayaa
sida wanaagsan ee aad bulshada ugu adeegaysaan,
intaa ka bacdi waxaan doonayaa in la ii iftiimiyo ama
wax la iiga sheego kala duwanaanta labada bakteeriyo ee kala ah:
gram negative iyo gram positive?

walaal waan idinka warsugayaa mar labaadna waad mahadsan tihiin. wsc
Title: Re: Su'aal: Farqiga u dhaxeeya Gram Negative iyo Gram Positive?
Post by: SomaliDoc on January 11, 2011, 10:12:34 PM
Gram positive iyo gram negative waxay tilmaameysaa sida bakteeriyada ay midabka gram ay ula falgasho. haddii bakteeriyada midabka ay qaadato oo kalarkeeda uu noqdo mid purple ah waa Gram positive. haddii ay qaadan weyso midabka oo ay noqoto kalarkeeda Pink waa Gram negative.

Farqigaas wuxuu ka yimid bakteeriyada Gram positive waxay leedahay xuub ama dahaar culus oo ka samaysan peptidoglycan oo midabka qaadan gram qaadan karo.

Waxaan rajaynayaa inaad wax ka fahantay.
Title: Re: Su'aal: Farqiga u dhaxeeya Gram Negative iyo Gram Positive?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on January 06, 2019, 05:09:12 PM
masha Allh, Doc wax badan ka fahmay. wana kaga mahad celinayaa gram+ & gram -