Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on May 12, 2011, 06:18:10 PM

Title: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: GEEDOOW on May 12, 2011, 06:18:10 PM
ASC WR WB .
WAXAA BADANAA ARAGNAA DHALINYARO RAADINEEYSO KANIINIGA HIMADA KORDHIYO AMA GALMADA LOO ISTICMAALO OO IYAGOON BAARITAAN SAMEYN AMA TAKHTAR AAN U QORIN KASOO IIBSANAAYA MEELO SUUQA MADOOW AH,WADAMADA CARABTABA HA U BADNAATEE , WAAMAXEEY DHIBAATOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGALA KULMI KARO DAAWOOYINKAAS ?
MAXAA SHURUUD AH QOFKA ISTICMAALAAYA DAAWOOYINKAAS ?
WAADMAHADSAN TIHIIN .
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: Deeqcali on May 12, 2011, 09:35:02 PM
Asc salaan ka dib dhibaatooyin ma leeyihiin daawooyinka loo adeegsado galmada sida vegaha oo l?o isticmaalo in ay iga kaalmeyso inaysan biyaha dhaqsi iga imaan wabilaahi towfiiq
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: SomaliDoc on May 14, 2011, 11:02:48 PM
(http://somalidoc.com/Topics/feegada.png)

Feegada ama Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga.
Viagra waxaa lagu daaweeyaa kacsi la'aanta (Erectile dysfunction), Akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)
Viagra waxaa kalooo lagu daaweeyaa xaalado kale oo caafimaad.

Talo:
Ha qaadan viagra haddii aad qabto wadna xanuun ama aad qaadato daawada loo yaqaanno "Nitrates".
Wuxuu kuu keeni karaa faalij, dhiig-kar ama wadnaha oo istaago.
Akhriso cudurka Faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html)
Akhriso cudurka Dhiig-karka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,467.0.html)
Akhriso cudurka Wadna istaagga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html)

Weligaa hal mar ka badan maalintii ha qaadan daawadaan.

Viagra wuxuu kaloo lumin karaa aragtida madaama uu socodka dhiigga ee indhaha uu yareeyo.
Viagra wuxuu u daran yahay dadka qaba kaadi macaanka, kolestaroolkooda sarreeyo, ama dhiig kar qabo.

Inta aadan qaadan viagra kala tasho dhakhtar ama u sheeg dhibaatooyinka aad qabto oo dhici karto in uu halis ku tahay daawadaan.
Xanuunada in lagaa baaro ay muhiim tahay waxaa ka mid ah:

Haddii aad qaadatid daawadaan xilliga galmada waxaa dhici karto in aad dareento wareer, lalabo, xanuun, kabuubyo ama xatxato feeraha iyo gacmaha ah, haddii aad isku aragtid calaamadahaas, jooji daawada oo dhakhtarka la tasho.
Haddii aad isku aragto guux dhegaha ah, wadno garaac, madax xanuun, xasuus lumis, suuxdin, jooji daawada isticmaalkeeda.

Waxaan farriin u dirayaa dadka dhalinyarda ah ee qaata daawadaan iyagoo aanaysan jirin baahi caafimaad oo ay qabaan, waxayna qaarkood qaataan iyagoo aamisan inay ragannimada kordhinayso ama howshiisa uu laba jibaari karo, laakiin dhibaatooyin kale ayaa ka dhaxli kartaa.
Daawadaan waxay ka mid tahay daawooyinka aadka looga ganacsado, waxaana la sheegaa boqolkiiba 60% daawada suuqyada taallo in ay feeg tahay, waxaana aad loo iibgeeyaa wadan kasta iyadoo aan loo sharxin qofka dhibaatooyinka uga imaan karto.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: GEEDOOW on May 15, 2011, 04:55:12 PM
ASC WR WB
JAWAABTAAS WAAN FAHMAY EE WAA VAIGARAHA EE WAXAAN RABAA IN WAX LA IIGA SHEEGO DAAWADAAN LAYIRAAHDO   CIALIS WAXAAN FILAYAA IN IYADANA LOOGU KAALMEEYSTO GALMADA EE DHIBAATOOYINKA EEY KEENI KARTO MAXAA KAMID AH .
WAADMAHADSAN TIHIIN .
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: Deeqcali on May 15, 2011, 11:10:34 PM
Waxaan qabaa gastaric vegaha dhib ma ii keena hadan u isticmaalo galmada
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: SomaliDoc on May 19, 2011, 08:19:49 PM
(http://www.surplusviagra.com/wp-content/uploads/2011/02/Cialis-vs-viagra-which-is-better-1.jpg)
ASC WR WB
JAWAABTAAS WAAN FAHMAY EE WAA VAIGARAHA EE WAXAAN RABAA IN WAX LA IIGA SHEEGO DAAWADAAN LAYIRAAHDO   CIALIS WAXAAN FILAYAA IN IYADANA LOOGU KAALMEEYSTO GALMADA EE DHIBAATOOYINKA EEY KEENI KARTO MAXAA KAMID AH .
WAADMAHADSAN TIHIIN .
Kaniiniga CIALIS waa kaniini sida Viagraha oo kale ah waxay ku kala duwanyihiin kaliya in kaniiniga CIALIS uu muddo dheer jirka ku jiro oo dhan 17 illaa 36 saacadood meesha kaniiniga Viagraha uu jirka ku jiro 4 saacadood kaliya, isku si ayay u shaqeeyaan wayna isku samays dhawyihiin.

Waxaan qabaa gastaric vegaha dhib ma ii keena hadan u isticmaalo galmada
Waxyaabaha uu keeni karo kaniiniga Viagra-ha waxaa ka mid ah laabjeex, dibbiro iyo gaastiriko.
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: Amxad on May 22, 2011, 03:04:54 PM
Asalaamun Calaykum
waxaan ka cudur daranaa inaanan aqoonin meesha dhakhtarka su'aal laga waydiin karo marka hadaan khaldamo iga raali ahaada,intaas kadib Su'aasha aan dhakhaatiirta waydiin waxay tahay waxaa jira Kiniiniyo badan oo meesha ku qoran oo sida ku cad dhinaca galmada loo isticmaalo sharaxaad qiima badana waad naga siiseen wax qabadkiisa iyo waliba dhibaatooyinkuu keeno hadaad xanuun qabto,hadaba ma lamidbaa mise waxbuu kaga badalan yahay kiniinkan la yiraahdo (Grow Plus)?Haduu ka badalan yahay maxuu kaga badalan yahay?
Waanad mahadasantihiin.
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: SomaliDoc on May 23, 2011, 08:36:28 PM
Daawadaan waa daawo dhireed sida ay sheegto shirkadad sameyso oo swedish ah, wax faahfaahin ama ansixin oo lagu sameeyay daawadaan ma jirto. shirkaddu waxay sheegtaa oo aan la hubin in kaniiniyaashaan oo la qaato muddo dhan 6 illaa 8 bilood in kacsi xumida lagu daaweeyo iyo iyadoo xubinta taranka ragga ee dheereyso! taasoo caafimaad ahaan aan sax ahayn.
Waxaa jira boqolaal daawo oo la xayeysiiyo lana sheego in loo adeegsado arrimahaan oo dhibaatada ay keensan karaan laga warqabin.
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: Amxad on June 05, 2011, 04:12:10 PM
Asalaamun Calaykum

Xalay ayaan Su'aal soo qoray mana arko Jawaabteeda hadayna meel kale ku jirin,hadaba su'aashaydu waxay ku saabsantahay bal in layga jaahil tiro haday jirto Dawo loo isticmaali karo gabarta Bikrada ah macnaha fududayn karta,hadaad horey uga jawaabteen oonan aragna waxaan idin ka rajayn in la iisoo sheego Inshaa allaah sheekada ay ku timid oo dhamaystirana horaan usoo qoray.
Waanad mahadsantihiin.
Salaamulaahi Calaykum.
Title: Re: SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?
Post by: SomaliDoc on June 05, 2011, 06:41:43 PM
Waxaa jira kaliya bamaato ama kareem kabuubiso ah oo yareysa xanuunka laakiin ma jirto daawo wax duleeliso ama wax jilciso toonaba...