Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Nour on August 11, 2018, 01:23:32 AM

Title: Su'aal: Shubanka caruurta ku dhaca?
Post by: Mohamed Nour on August 11, 2018, 01:23:32 AM
Asc wr wb
Waan salaamayaa Somali Doc ilaahay ajar iyo xasanaat ha idinka siiyo runtii waa wax aad u muhiim ah caafimaadku, ilaahay inta bukta ha shaafiyo, inteenta caafimaadka qabtan ee aynu ka midka nahayna ha u siyaadiyo
Allahuma aamiin.
Hadii aan su'aashayda u daadago, maxaa sababa subanka ( Fuuq bax ) iyo matagga ku dhaca caruurta yar yar waqtiga fasaxa marka wadankii loo kaxeeyo? Wax ka hortag ah ma la sii samayn karaa?
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: Shubanka caruurta ku dhaca?
Post by: SomaliDoc on January 22, 2019, 08:22:00 PM
Shubanka la isku arko markaad meel kale u safartid waxaa loo yaqaanaa "laba-biyood", afka qalaadne lagu dhaho "Traveller's diarrhea", waxay ka dhalan kartaa arrimo dhowr ah sida:
1- Isbadalka cimillada iyo cunnada taasoo qofka aysan calooshiisa u qabsan, qofka wuxuu isku arkayaa shuban aan badanaa matag iyo qandho wadan, fuuqbax siyaadane ma keeno.
2- Caabuq ka dhashay cunnada ama biyaha uu cabay qofkaas, taasoo ay dhici karto inuu keenay jeermis ku cusub difaaca jirka qofka booqashada ku yimid.

Cilladaan rag iyo dumarba waa lagu arkaa, waxaana haboon mar walba in qofka isbitaal la geeyo si loo baaro, kadibne daawada ama talada ugu habboon la siiyo, laakiin ma jirto daawo ka hortag ah oo qofka la soo siin karo, laakiin waxaa muhiim ah in fuuqbaxa laga hortago si dhibaatooyin intaa ka badan u dhicin.