Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Balbalaarshe2018 on November 18, 2018, 10:14:21 AM

Title: Su'aal: Ka caafimidda dhibaatooyinkii siigada?
Post by: Balbalaarshe2018 on November 18, 2018, 10:14:21 AM
       Asc, Walaalaha iyo Dhakhaatiirta SOMALI MEDICAL FORUM  waan salaamayaa , salaan dabadeed waxaan rabaaa in la iga caawiyo arrin aan muddo laa daala dhacaya cid igala talisa.
         Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo da'aadda labaatameeyaha madaxa lasii galiya waxaa sannado badan shakhsi dhibane u ah Barnaamijka siigeysiga waxaan garawsaday in barnaamijkaas uu ii leeyahay dhibaatooyinka aan sahlanayn waxaan isku arkay dhibaatooyin uu ii geystay siigaysiga oo ay kamid tahay indhaha oo caad iga fuulay, hilmaam badan, xifdis iyo fahmad la'aan joogta ah dabadeed go'aan waxaan ku gaaray inaan iska dhaafo hadda muddo bilo ku dhow ma samayn arintaas, Lkn dhibaatooyin kaas aan soo sheegay iyo kuwa kale oo ay kamid tahay wel wel aan ka qabo guurkayga mustaqbal ka ee la xiriira xubintayda taranka oo daciiftay ama yaraatayba sidee baan arimahaas oo dib uga xalin karaa oo aan sidii caadiga ahaa ugu soo laaban karaa ?

Mahadsanidiin Jawaabtiinu waa ii muhiim.
   
Title: Re: Su'aal: Ka caafimidda dhibaatooyinkii siigada?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2019, 08:26:13 PM
dhibaatooyinka siigeysiga waa laga soo kabsadaa haddii la joojiyo, waana inaad ku dadaashaa cunnooyinka dhafaqada jirka u leh, sidoo kale jooji haddii aad balawad kale leedahay sida sigaarka iyo jaadka oo kale.

Akhriso dhibaatooyinka siigeysiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0)