Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on February 22, 2010, 12:46:47 PM

Title: Waa maxay Baraska (Vitiligo)?
Post by: SomaliDoc on February 22, 2010, 12:46:47 PM
(http://somalidoc.com/Topics/baraska.png)

VITILIGO
Vitiligo waa cudurka Baraska, wuxuu ka dhashaa halwgab ku yimaado unugyada eebe ugu tala galay in oogada ay midabeeyaan.
Unugyadaas oo lagu magacaabo (Melanacytes).
Baraska wuxuu ku dhacaa qof walba isagoo aanan loo fiirin midabkiisa, laakiin waxaa aad uga soo muuqataa dadka madmadow, mana ahan xanuun faafo ama halis galin karo qofka noloshiisa.

Baraska waa cadcadaad ka soo muuqda meelo ka mid ah jirka sida gacmaha iyo lugaha, si buuxdane looma garanayo waxa keenay in unugyadaas ay dhintaan ama halwgabaan inkastoo ay jiraan fikrado sheegaya in ay tahay cudur kabax (kaasaliim).
Tanoo laga wado in qofka uu ku dhashay iin keeni karta in jirka laftirkiisa uu baab'iyo unugyada melanin, waxaana lagu arkay arintaan in uu xiriir la leeyahay dhaxalnimada qoyska, inkastoo dadka qaar ay soo muujiso arrintaan markii ay la kulmaan xaalado gaar ah sida in ay qoraxda gubto, welwel ama fakar galo ama waxyaabo kiimiko ah ay jirkiisa soo gaaraan, kadib ayay dadka qaar soo muuqataa cilladaan u qarsanayd.
Marka cilladaan waa lagu dhalan karaa dhaxal ahaan, wayna kugu dhici kartaa adigoo dhaxal u lahayn haddii ay unugyadaas wax gaaraan ama cillad ku timaado, waana sababta ay cilmibaarayaasha illaa iyo hadda aysan meel saari karin sababta saxda ah iyo sida ay ku timaado.
Cudurkaan la isma qaadsiiyo wax dhib intaa ka badanne uma keeno qofka waxaana.
Baraska malahan daawo laakiin waxaa jira daawooyin yareeya faafitaankiisa.

Dhakhtarka wuxuu ku garan karaa cilladaan aragti, waxaa kaloo laga yaabaa inuu cad ka qaado meelaha midabka ka tagay si loo baaro, waxaa laga yaabaa in laguu diro dhakhtar indhaha ku taqasusay maadaama dadka baraska qabo ay indhaha ka xanuunsadaan.


ALBINISM
(https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/9/9a/Albinisitic_man_portrait.jpg/230px-Albinisitic_man_portrait.jpg)
Waxaa jira cudur kale oo u eg baraska waxaana loo yaqaanaa "Albinism" waa qofka oo wada cad tanoo ka dhalatay in qofka uuba lahaynba unugyadii midabeenta ee "Melanocytes".

Wadamo ka mid ah Afrika ayaa ka aaminsan cilladaan "albinism" khuraafaad badan oo dadka qaba waa la ugaarsadaa maadaama la aamisan yahay in dhiigooda ama hilibkooda lagu daaweeyo cudurro badan oo ay ka mid tahay AIDS-ka, Sixirka iyo waxyaabo kale.

Haddii aad qabto su'aal ku saabsan caafimaadkaaga iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)