Somali Medical Forums

Allied Health Professions => Lab Students and Technicians => Topic started by: Jamaaluddiin on July 23, 2016, 06:03:21 PM

Title: Dhiig beerid (Blood culture)
Post by: Jamaaluddiin on July 23, 2016, 06:03:21 PM
Dhiig beerida (blood culture):Mararka qaar qofka xanuunsanaya baaritaan waliba marka lasoo mariyo waxaa dhici karto in la aqoonsan waayo waxa hayo markaasi oo kale waxaa lagama maarmaan ah in dhiigiisa la beero qaab gaar ah
Beerida dhiiga waxaa loo adeegsadaa si loo ogaado dhiiga inuu ku jiro il ma aragto bacteriya ama fungi kadibna loo hago daaweynta markii la ogaado nooca ay ka yihiin il ma aragtiyadaasi
Beerida dhiiga waxaa la sameeyaa markii qofka looga shakiyo dhiig sumoobid kaasoo keeno inta badan bacteriyada iyo qaar ka mid ah fungi iyadoo cudurka calaamadihiisana u egyihiin cuduro badan calaamadahooda sidaasna looga shakiyo cuduro kale lkn lagu kala saaro dhiig beerida
Calaamadaha dhiig sumoobida waxaa ka mid ah: qandho sareysa jareyn madax xanuun neefsashada iyo wadno garaaca oo kordho iyo wareer
Dhiiga waxaa lagu beeraa ugu yaraan labo dhalo oo loogu talo galey iyadoona la qaadaayo dhiiga xilliyo kala duwan oo waliba markey qofka qandhadu heyso ah waxaana la keydiyaa ilaa waqti go'anintaan la sameynin dhiig beerida waxaa la sameeyaa tijaabooyin lagu ogaanaayo in ayjiraan wax il maqabato ah iyo inkale sida unugyada dhiiga cadcad oo kordha markuu jiro caabuq mararka qaarna dhiig beeridu waxaa lala sameeyaa tijaabo ah in ilma aragtada laga baaro muunooyin kale oon dhiiga aheyn iyadoo la eegaayo cabashooyinka kale ee bukaanka sida haduu hoosta xanuuneyso oo kale kaadida iyana qaab u gooni ah loo beero