Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qaalib on June 06, 2016, 04:18:15 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena xiniinyo xanuunka?
Post by: Qaalib on June 06, 2016, 04:18:15 PM
asc waxaan idin leeyahay ramadan kariim somalidoc  waxaan doonayaa inaad iisheegtaa xiniinyo xanuunka wixii keena ama sidii aan isuga dawayn lahaa mudo 4 sano dhan xiniinyaha ayaa ixanuunaya oo waliba mida midig ah markii qabow jiro way gaabataa markii kuleyl jirana wayka dheeraataa takale wayna ka wayntahay inyar waxaan tagay pharmacy'o badan waxay iisheegeen inaan qabo cudurka INFECTION waxayna isiiyaan uun kiniini waxna iima taro waxaan idinka codsanayaa inaan i caawisaan waxaan ahay walaalkiin oo aqoon iyo dawo raadis ah waadna mahadsan tihiin
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena xiniinyo xanuunka?
Post by: SomaliDoc on June 23, 2016, 12:36:21 PM
Xiniinyaha si dabiici ah way kala dheeraan karaan, cimilladuna way ku xiran tahay, markuu qabow jiro way soo aruuraan, markuu kuleel jirane way dheeraadeen, badanaa waxaa dheeraato midda bidixda xigto, akhriso qoraal ku saabsan arintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3313.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3313.0)

Midda ku saabsan xanuunka, waxyaabo badan ayaa keeni karo, waxaan kugula talin alhaa in lagaa saaro ultrasound si loo ogaado cilalda jirto haddii aan horay lagaaga saarin.