Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Indhaha => Topic started by: Binuciise on February 25, 2008, 06:07:46 PM

Title: Waa Maxay Indho Fiiqid?!
Post by: Binuciise on February 25, 2008, 06:07:46 PM
dhamaan  waxaan idin salaamay intaa kadib waxaan rabaa  in aad  wax  ii  iftiimisaan  su aalahaan 

waa  maxay indho fiiqid maxaase  lagu yiraadaa   af ingiriiska  ama  cabiga  ?
Title: Re: Waa Maxay Indho Fiiqid?!
Post by: SomaliDoc on February 26, 2008, 01:33:01 AM
(http://averaorg.adam.com/graphics/images/en/18012.jpg)Indha fiiqidu waa qaliinka lagu sameeyo jirada gasho bikaacada isha (Eye lens = ???? ?????) taasoo keento arag daciifid.
Qaliinkan wuxaa lagu soo saaraa bikaacadaan uu caadka koray taasoo keentay indho daciifitaan (Cataract).

Katarakt (Cataract = ??? ?????) waa ceeryaamo ama caad fuula Bikaacada isha taasoo keenta in ilayska uusan ka gudbin kadibne uusan qofka si waadix ah waxna u arki karin.

Indha fiiqidu waa badalitaanka bikaacada isha taasoo loo galinayo qofka mid macmal ah si uu wax ugu arko.

Indha fiiqid = Cataract surgery = ????? ?????


Wixii macluumo intaa dheer dib ayaan kaga soo dari doonaa insha'lah.

SomaliDoc