Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on October 11, 2015, 07:32:49 AM

Title: Su'aal: Asthma iyo COPD?
Post by: Barkhat on October 11, 2015, 07:32:49 AM
Dr marka hore aad baan idiin salaamayaa, bacda salaan Diktoore (ASTHMA AND COPD) labadan xanuun keebaa sii khatar badan keebaase sahlan oo qofka nolol maalmeedkiisa u fudud, maxaase ka dhexeeya maxaase lagu kala garan karaa?.

Diktoore beri dhowayd oo hadda dhowr bil laga joogo ayaan isticmaalay sigaar badan oo aan xitaa saacad gudaheed tiro badan oo sigaar ah ku cabay ama ku qiijiyay, kabacdi beryahan dambe waxaan dareemay hinraag ama sanqadh neefsiga la socota oo aad foori moodid, waxaana dareemayaa oo qudha habeenkii markaan seexdo.
ka bacdi waxaan u maleeyay in uu xanuunka copd yahay ama xiiq cusub. haddana waxaan u fiirsaday ma jirto wax igu kicinaya ama aan odhankaro waxaa markaan cuno ayay igu kordhayaan calaamaduhu.
Title: Re: Su'aal: Asthma iyo COPD?
Post by: Ayanleh on October 14, 2015, 12:07:37 AM
labadan xanuun aad ayay u kala duwanyihiin , dhinac kale markaad ka eegtana iska mid yihiin taaso ah in labadaba qofka uu ku adkaanayo neesiga siiba marka uu naqasku soo baxayo, asthma wa heredity inta badan  , halka COPD isagu uu keeno sigaarku badiyaba , sigaarkaas oo ah mid uu qofku cabayay muddo sanado badan ah , isla markasna u cabayay tiro aad u badan malintiiba
Title: Re: Su'aal: Asthma iyo COPD?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2015, 01:21:09 PM
Inkastoo Asthma iyo COPD aysan isku xanuun ahayn laakiin way is dhex gali karaan, astaamo kaliyane in lagu fahmo way dhib badan tahay illaa in aad dhakhtar u tagtid oo uu waraysi, wiisiteyn iyo baaris isugu kaa daro moyee.
Way dhacdaa in qofka labaduba hayaan oo waxaa markaa la yiraahdaa "Asthma COPD overlap syndrome", fadlan akhriso qoraallo aan horay uga hadlay xanuunadaan adigaa fikrad intaa ka haysatid ka badan ka faa'idi doono insha'llah.

Asthma: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
COPD: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html)

Midda kale COPD ma ahan hal cudur ee waxay ka tarjumaysaa dhibaatada gaaraysa sambabada taasoo ay keeni karaan dhowr cudur.
Midda kale sigaar dhowr maalmood la cabay ma keeno COPD khaas ahaan "Chronic Bronchitis".

Fadlan la xiriir dhakhtar.