Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Munazal on April 21, 2016, 03:04:31 PM
-
Asc doc. Jzk kheyr abalkada janada alaha ka dhigo waxaan ku weydiinaya waan Macau cudurada ku dhaco maqarka oo la yirahdo epidermolysis bullous simplex. Waxa an leyahay maqarka ad u jilcan dhaqtarkana Waxa uu I leyahay jiradaan ayay shabahdaa lkn natijada maqarkada jawab cad uma aha. Waxa an ku nolahay wadanka norwey lkn baaritanka Waxa uu ka dhacay London . Waxaan jeclaan laHaa in an ku soo diro warqada la isoo diray 3 natijada . Waxana ka codsanaa inaa fahfahin intoo ilah ka fahansiyay Iga siso. Mahadnaq gaar ah.
-
Warqadda baaritaanka iigu soo dir Facebook page-ka, kuna soo lifaaq warbixinta su'aashaadaan si aan halkaan kuugu soo bandhigo jawaabta.
-
Asc dr adoo Iga raaliya maxaa helay suaashi aan ku soo gudbiyay warqadihi waan kugu soo diray fc. Waqti hore. Igana raali naqo Jzk kheyr.
-
Warqadaha waan akhriyaya, ee waxaad ii sheegtaa qaabka laguu hayo iyo waxa aad dareemayso oo faahfaahsan, maxaayeelay warqada kuma cada inuu xanuunkaan ku hayo, maxaayeelay waxaa la rabay inuu jirka bacoolo yeesho si xanuunkaan looga shakiyo marka horaba, laakiin markii lagaa qaaday baaritaanka ma aadan lahayn ayaa warqada ku qoran ee faahfaahin sida laguu haayo ka soo bixi, haddii maqaarka meesha nabraha ka soo baxeen aad sawir ka soo qaadi kartid, iigu soo dir Facebook.
-
Waa sida aa. Ku shegay dhaqtarkana igu dhahay ma cada in xanubkaa i hayo lkn waxa la i hya qaabkisa oo kale ani arka aan ka hadlo teyda waxa isiibto cidiyaha maqarkeygana aaad buu ijilcanyahay waxaa laga yabaa jug yar in ay maqarka iga fiqdo maraka qaarna meshii uu ka fiqmi laha aqarka waxaa dhacdo in dhecaan soo galo oo ay bacool naqato lk ma badna. Soomalida waxay igo yiraahdaan waa waraboow wayo cidiyaha kusibkusiban.hadaa fahfahin guud kaa siisiyna waxa uu jirkeygu melaha qaar sida faraha la moodaa sida qof gubatay oo cadcadkii dabka ku danbeyo. Waxa waalid keey ii shegay in xani ku igu bilawday markaa socod baradka ahaa oona aan ku xanunsaday waaa aan ooynayu sida mel la qaninay oo kale ayay mesha kobabin naqaneysay barar iyo bacool. Walow markaa weynaday aan wax xanuna arkin maqarkoo i jilacsan mooyoo wax cinjo ahna maba ii soo baxaan.
-
Xanuuno badan ayaa keeni karo qaabka laguu hayo, laakiin ma filayo inuu waraabow yahay, halkaan ka akhriso warbixin ku saabsan waraabow-ga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0)
Cudurrada maqaarka waxaa lagu ogaadaa waraysii dheeri yo wiisito muuqaaleed, iyo in cudurrada loo malaynayo in mid mid looga saaro liiska shakkiga khaasatan hadduu xanuunka uu muddo ku soo hayay, laakiin sida warbixinta baaritaanka aan ka arkay iyo sida laguu hayo, u malayn maayo inuu EBS ku hayo.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.