Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulcade on March 04, 2017, 08:21:47 PM

Title: Su'aal: Subaga idaha iyo Galaha (Varicocele)?
Post by: Abdulcade on March 04, 2017, 08:21:47 PM
ASC DR. Marka hore waxaan idinka mahadcelin wakhtigiina iyo cilmigiina aad noo hurteen.

Su'aashayda: Doctor waxaan akhriyey qoraalkaa kaga hadashay Galaha ama cudurka loo yaqaan VARICOCELEKA waxaan kaloo akhriyey qoraalka kaga hadashay subaga idaha ama barida idaha laakiin wax xiriir ah oo labada ka dhexeeya ama si loogu daaweeyo subaga idaha Galaha/Varicoceleka kuma arag. Marka Doctor waxaan arkay iyadoo lagu sanceeyo ama lagu daaweeyo Galaha subaga idaha oo lagu daray dhir (daawo dhaqameed) waxaana arkay wiilal ku caafimaaday oo awal isku arkay calaamadaha aad ku sheegtay qoraalkii aad uga hadashay Galaha dhamaantood isada xanuunka xiniinyaha ama xidida oo barara, culays laga dareemo xininyaha iyo iyagoo dhalmadooda joogsatay markii xanuunkaasi ku dhacay laakiin fiicnaday waxna dhalay markay sanco Soomaaligaas isticmaaleen xanuunkiina ka tagay.

Marka Doctor adigoo mahadsan ma jirtaa qaab subaga ama barida iguhu u daawayn karto Galaha/Varicocele?
Title: Re: Su'aal: Subaga idaha iyo Galaha (Varicocele)?
Post by: SomaliDoc on June 07, 2017, 11:33:18 AM
Cilmibaaris arintaas lagu sameeyay oo daabacan ma jirto, laakiinse waa suuragal in khibrad iyo tijaabo lagu hayo laakiinse ilaah baa naga og.
Haddii arintaan wax ka soo kordhaan, halkaan baan ku soo daabici doonnaa mar labaad.
Title: Re: Su'aal: Subaga idaha iyo Galaha (Varicocele)?
Post by: m.mo141 on June 07, 2017, 01:06:29 PM
Asc Walaaalayaala , Linkga Iso dira casharka aad Ugu Hadleysaan Galah , iyo Subaga Idaha Lagu daaweeyo Varicecole
Title: Re: Su'aal: Subaga idaha iyo Galaha (Varicocele)?
Post by: SomaliDoc on January 26, 2018, 07:03:32 PM
Cudurka Galaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0)
Subaga Idaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0)