Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dr baddal on April 05, 2011, 05:20:46 PM

Title: Su'aal: waxaan dareemaa tabar darri xagga gacmaha ah?
Post by: Dr baddal on April 05, 2011, 05:20:46 PM
Ascwrw, waad salaamantihiin bahda somalidoc guud ahaan, waxaan qabaa hal su'aal oo ah:
Walaal waxaan ahay 24 jir wali waxbarasha ku jira, waxaan dareemaa tabar darri xagga gacmaha ah markaan shaqa qabta ama aan wax culeeys ah wax yar kor u haaye ama aan soo qaado  waxaaa i jareeya gacmaha, xilligaas oo kale haddi wax qor la i dhahao waan isku dardarayaa farta qoraalka,  waxaan kaloo tabar darrida nuucaas cml ah mararka qaar dareemaa marka aan cunta cuna kuna seexda isla waqtigaas, markaan soo kaca tabar darri facmaha ayaan dareemaa gaar ahaan joints-ka sida xusulka iyo cummaancunta,(wrist), waxaan kale oo aan dareemaa ,marka eey baahi i qabata isla markii waxaa i qabta madax xanuun iyo qoorta oo i xanuunta, halka ardayda aan room mate-ka nahay eeysan qabin dhiba kaan  oo markii baahi dareemaan uusan madax xanuunin, markii ana cuntada cuna waxaan u baahnahay in aan jiifta si xaalka uu illaa xadd normal uuuga soo laabta,  ?
Marka isku darka calaaamadahaa maxeey astaan ah oo eey bixinayaan ma cudur baa mise nafaqo darra mise anemia ayaa jirta?
waxaan idiinka sugayaa jawaab waafi ah, ilaaaheeyna kheeyr ha idiin siiyee cilimigana allaha idiin siyaadsho.
Title: Re: Su'aal: waxaan dareemaa tabar darri xagga gacmaha ah?
Post by: SomaliDoc on April 11, 2011, 07:21:39 PM
Tabar darri iyo gariir gacmaha aad ka dareento waxaa keeni karo in murqaha ama neerfaha ama seedaha gacmaha ay jiranyihiin oo tabardarrida dhinacaa ka timid.

Laakiin aniga waxay ila tahay in aad qabto cillada xaga sonkorta la xiriirto maxaa yeelay tabardarri iyo gariir markaa howl qabato, madax xanuunka xilliga gaajada iyo daal markaa wax cunto waxay calaamad u tahay cudurka "Hypoglycemia" oo ah sonkorta dhiigga oo hooseyso.

Sidaa darteed la xiriir takhtarkaaga si laguu baaro oo cillada ku haysatane la ogaado.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurka "hypoglycemia"
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html)

Wixii su'aal aad u baahantahay markaa takhtar la kulantid waad na weydiin kartaa.