Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sadia Hassan Hussein on October 20, 2018, 06:12:25 AM

Title: Su'aal: Xanuun dhanka bidix ee jirkeyga?
Post by: Sadia Hassan Hussein on October 20, 2018, 06:12:25 AM
Asc.  Somali doc.
Aad baan idinkaga mahdinayaa sida wanaaga,  tifaftirka leh eed ummadda Af-soomaaliga ku hadasha aad iga haqab-tirtaan baahiyahooda caafimaad.

Suaasheyda hadaan u dhaadhaco.
Dr,  waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka bidix ee jirkeyga oo i xanuunaya,  xanuunkaas oo isku heysta kasoo bilaabata dhagta gadaasheeda dhanka bixid,  sii jiidan illaa garabka qebtiisa gadaale ee hoos u sii degaya ilaa feerta uhu hooseysa feeraha iyo tan ka sareysa inta u dhexeysa,  halkaas oo aan moodo in ay daloosho oo markaan in cabaar ah midigta u jiifo aanan is rogi karin sidii inaan naafo ahay
Naqaska igu adkaanayo mararkaas,  kaboobyo dhinaca bidix ah aan dareemayo illaa lugta iyo gacanta xitaa ay aad u tabar daranyihijn.  Mar mar waxan dareemaa wareer,  cabitaan bdn bn cabaa wan roonaadaa.
Yabar darrida dhknaca iga heysa intaan wax gartay wan dareemi jiray markaan howl bdn qabto iyo  markaan daalanahy.
Isla dhinacaa bodix,  2016 ayaa la igu sheegay pleural effusion kadib markii aan anigoo exercise kaso baxay an aircondition ku hoos shaqeeyey,  then uu dhididkeygi ama anh other fluid I dont know uu jirkeyga galay oo qandho bdn igu sababay,  CT-scan baa lugu ogaaday problem kaa kadb antibiotic bills bn qaatay oo dr ka i siiyey.  Waana bogsaday.  Alxamdulillah.
Kadib bn uur qaaday oo hadda ilmo 10 bil jira baan nuujiyaa
Mat kasto aan nuujiyo bn dawaqaa ok dhankaas xagiisa u liitaa Dr.

Mahadsanid.
Allaha ku haleeshiiyo caafimaadkeyga walaal
Title: Re: Su'aal: Xanuun dhanka bidix ee jirkeyga?
Post by: SomaliDoc on March 07, 2019, 08:20:55 PM
Walaal cabashadaadu waxay u baahan tahay waraysi dheeraad ah iyo wiisiteyn sababtoo ah waxyaabo badan ayaa keeni kara qaabka laguu hayo, neerfo ayuu noqon karaa, xanuun sanbabada ayuu noqon karaa, cillad murqaha iyo seedah ayuu noqon karaa, marka fadlan dhakhtar la xiriir si baaritaan dhameestiran laguu marsiiyo, sidoo kale maadaama aad tahay hooyo caruur nuujisa waa in la fiiriyaa heerka fitamiinadaada iyo macdanta kale ee muhiimka u ah jirka.