Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Afmabrouk on February 13, 2019, 09:09:39 AM

Title: Su'aal: Chronic Inflammation?
Post by: Afmabrouk on February 13, 2019, 09:09:39 AM
Asc Dr aad baan kaaga mahadcelinayaa sida wnaaagsan we ummada soomaaliyeed uga jahli bixineso arrimaha CAAFIMAADKA. Alle hakaa abaal mariye.
Dr Waxaan rabay inaad igala taliso maadama aan ahay Bukaan dhowaan laga helay Chronic Infllamation  Marka dhaqtarka wuxuu iiso qoray Daawadan Prednisolone iyo Azathioprine inaad combination u qaato.. Markaa daawadan waan research gareeyay waxay leedahy serious new infection inaad yeelato inta aad isticmaaleso ilaaa hada mabilaabin daawadas. Inflammation-kan beerka ayuu wax IGA yeelaa xitaa Dr wuxuu igu dhahay beerka biyo ayaa galay iyo calooshaba waxaan sabab u ahaa inflammation  autoimmune. Maxad igula talin laheed .
Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Chronic Inflammation?
Post by: SomaliDoc on November 17, 2019, 12:42:47 PM
daawooyinka hurka iyo balbalka hoos u dhigo ee "anti-inflammatory" waa sax, way waxyeello badan yihin haddii la joogteeyo, laakiin haddii qiyaas lagu qaato oo dhakhtarka taladiisa la raaco dhib ma keento, marka taasi ha ka welwelin ee talada dhakhtarka raac...

midda kale daawooyinka steroid-ka oo ugu badan kuwa loo isticmaalo "inflammation-ka" waxtar bukaanka dhakhso uu dareemo way leeyihin, laakiin dhibkooda wuxuu yimaadaa markii si khalad ah loo cuno ama la joogteeyo.