Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iqroabdi110 on November 12, 2016, 11:38:29 PM

Title: Su'aal: Waxaa i xanuna indhaha markaan guriga ka baxo?
Post by: Iqroabdi110 on November 12, 2016, 11:38:29 PM
Asc doc waxaa i xanuna idhaha dhawan ayaa isku arkay marka bananka uso baxo said ii xanunan bananka hada ku daaho madaxa ila xanuna waliba xanun saida indhaha waxan moda iney isku imanayan waxan raba ina kala jiido birig birig ey dahahayan ii jawab doc ado mahadsan
Title: Re: Su'aal: Waxaa i xanuna idhaha?
Post by: SomaliDoc on December 04, 2016, 09:11:48 PM
(http://somalidoc.com/Topics/iftiinka.png)

Waxaa cilladaan loo yaqaanaa "Photophobia ama Light sensitivity"", taasoo macnaheeda ah in aad xasaasiyad ku qabtid iftiinka ama iftiinka uu ku dhibo.

Qofka markuu banaanka u soo baxo wuxuu la kulmaa iftiin badan, kadibne waxay indhaha isku dayaan inay isku dhagaan, qofkane inuu kala celiyo oo uu furo si uu wax u arko ayuu isku dayaa, taasi waxaa la socdo badanaa madax xanuun siyaado ah.

Iftiinka mar walbuu aad u daran yahay, xanuunka indhaha iyo madaxa wuu siyaadaa.

Cilladaan xasaasiyadda iftiinka ma ahan cudur sidiisa u yimaado, laakiin waxay astaan u tahay cillado kale oo indhaha ku dhacdo ama jirka meelo kale oo ka mid ah.

Cilladaha ugu badan ee keena in aad iftiinka dhibsatid waxaa ka mid ah:

Haddii aad isku aragtid in aad iftiinka dhibsatid ama indhaha ku xanuunaan markaad iftiinka u baxdid, waa muhiim in aad marka hore la xiriirtid dhakhtarka indhaha si indhaha lagaaga baaro.

Haddii aad isku aragtay cilladaan mar aad bilawday isticmaalidda daawooyin kugu cusub, fadlan dhakhtarkaaga la socodsii, daawooyinka qaar way keeni karaan in aad iftiinka dhibsatid.

Haddii ay tahay cillad aad ku dhalatay sida indhahaaga oo midab leh, ka fogow iftiinka adigoo xirta muraayadaha indhaha ka ilaaliyo iftiinka.

https://www.youtube.com/watch?v=llEfvY94Pl4 (https://www.youtube.com/watch?v=llEfvY94Pl4)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)