Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nihal Love on November 13, 2016, 02:43:51 AM

Title: Su'aal: Dhabarka ilaa simaha waxaa iga garay jug?
Post by: Nihal Love on November 13, 2016, 02:43:51 AM
Asc dr aad ban kaga mahad celinaya bulshadada shaqada wanagsan aad u haysid jazakallahu kheyran
Midla labaad arinbaa jirta aan rabo inaad iga cawisid hada kahor yaranteydii baa dharaka ilaa simaha waxaa iga garay jug aan darbi kasoo dhacay jugtaaso markay igu dhacday lamiyir daboolmay marka waxay igesatay dhawac badan ilaa iyo hada aan daremo anoo xooga soconkarin tagnan karin hurdada xitaa inta loogu talagaly mahurdi karo shaqada guriga inaan isracsho maxamilo karo blse xanunnka waxaaba miida ilaa.mudo sadexsana ah inu.kusii fiday  lugta midig cawrada meesha labateeda ku aadan qanjirka kujira ilaa sulka baa isku xiriir san kabuubyo kala joogsi lahayn tikaan badan iyo heelkul kusoo siyadaya dhanka jilibka isla lugtaas markii aan fulayo jaran jaro waxan daremaxa cadaadis dhanka lafaha gilibka sida iney ismudayan ookale Sidii loogu talagaly uma labi karo marka maxad iigula talin lahayd dr thanks inabadan
Title: Re: Su'aal: Dhabarka ilaa simaha waxaa iga garay jug?
Post by: SomaliDoc on December 04, 2016, 09:28:32 PM
Waxaan kula talin lahaa in aad dhakhtar la xiriirtid si sawira lagaaga saaro dhabarka, maxaayeelay waxay u badan tahay in dhaawacii ku gaaray uu keenay in lafta ay cadaadis saartay neerfaha maa xangullaha dhabarka maro, saas ayaya u badan tahay.