Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kadarhussein on April 07, 2016, 06:50:27 PM

Title: Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?
Post by: Kadarhussein on April 07, 2016, 06:50:27 PM

Asc, Walaal waxaan rabay inaan idin waydiiyo su'aal, su'aashaas oo ah dhib waxoogay i haysta, waana sida tan.
Waxaan leeyahay khuuro, iyo inaan neef wayn tuuro aniga oo soo jeeda, wax hurda ahina aanay i hayn, markasta oo aan fadhiisto, ka dibna aan afka isku qabto. Taasoo dad badani igula yaabeen, oo ay moodaan inaan hurdo ama aan seexday. Ani ahaantay wax dhib ah uma arko, wax xanuun ama dhib kalena iguma hayso, laakiin waxaan ka cabsanayaa inay mustaqbalka dhib wayn igu keento. Da'daydu waa 27 sanno, markaa ma laga yaabaa in arrinkaasi xannuun igu noqdo?
mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2016, 03:38:33 PM
Ma tahay qof cayilan?
Ma qabtaa cudurka gaaska?
Ma cabtaa sigaarka?
Ma leedahay xanuuno kale?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab.
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?
Post by: Kadarhussein on April 14, 2016, 02:54:11 PM
dhererkaygu waa 167 cm, miisaankeyguna waa 74 kg. cudurka gaaska ma lihi, inta aan xasuusanahay 9 kii sanno ee ugu danbeysay ma tagin dhakhtar ama xannuun aan dhakhtar ugu baahdo illaahay iguma keenin. sigaar ma cabo, wax balwad oo kalena ma lihi. Madaama aan ku noolahay wadan qaboobe ah, training-kaygu aad buu u yar yahay, oo inta badan ma training gareeyo. Haddi laga ragi waayo waxa jirta in dhawrkii todobaad aan maalin kubadd ciyaaro.
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 09:38:04 PM
Waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirto dhakhtar E.N.T ah maadaama aad tilmaantay in aad khuuranaysid adigoo soo jeedo, neef-tuurne aad leedahay.
Haddi marinnada hawada mara ee dhuuntu cariiri yihiin way keenaan astaamahaas, inkastoo ay la socdaan caajis, daal iyo hurdada oo aadan ku raaxaysanin, dadkaasi badanaa miisaankoodu wuu siyaado, laakiin bal dhakhtar u tag ee is check gareey.