Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shosmanka on April 08, 2016, 12:50:57 AM

Title: Su'aal: Waxaa haya xanuunkaas epilepsy?
Post by: Shosmanka on April 08, 2016, 12:50:57 AM
walaal asc waxaan Dr waydiinayaa gabar hadda 10jir ah ayaa 3sano waxaa haya xanuunkaas epilepsy.  dhaqtarku 4sano ayuu dawo uqoray. 3sano hadda wayqaadanaysay dawadii dhicistii way joojisay ilaa labasano iyo bar hadday dib u bilowday dhicistii. takale waxaan ku aragnay cirridka oo bararay iyo koriinxumo. talo ayaan u baahanahay. mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Waxaa haya xanuunkaas epilepsy?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2016, 03:43:00 PM
Waa in cabirka daawada la kordhiyaa ama daawada la badalo maadaama muddo ka soo wareegatay, tanoo sabab u noqon karto inay mar kale dhacdo, Waxaa kaloo muhiim ah in lagaa badalo daawada qalalka oo aan filaayo inay tahay "Phenytoin" maadaama daawadaan ay keento cirid barar, waxaana xaaladaan loo yaqaanaa "Phenytoin-induced gingival overgrowth" (PIGO).
Title: Re: Su'aal: Waxaa haya xanuunkaas epilepsy?
Post by: Shosmanka on April 14, 2016, 11:01:41 PM
Dr waad mahadsantihiin walaal. keliya waxaan doonayaa inaan kuu sheego daawada ay qaadato waa phenobarbiton 100 mg. mahadsanidin dhamaan dhaqaatiirta sharafta badan.
Title: Re: Su'aal: Waxaa haya xanuunkaas epilepsy?
Post by: SomaliDoc on April 29, 2016, 09:40:00 PM
Adaa mudan, labada daawaba way keenaan cirid barar "phenobarbital-induced gingival overgrowth".