Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jokob on November 07, 2011, 12:40:04 AM

Title: Su'aal: maxaa keeno lafa-xanuunka?
Post by: Jokob on November 07, 2011, 12:40:04 AM
Asalamu caleykum walaalayaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tihin, waxaan doonaya inaan idin weydiiyo lafaxuunka iyo waxa keena in muda ah ayuu i hayey xanuunka sida kala goysyada lugaha.jilbaha,miskaha iyo garbaha,waad mahadsan tihiin.
Title: Re: Su'aal: maxaa keeno lafa-xanuunka?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 11:36:13 PM
Lafa-xanuunka waxaa keeno cudurro badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxaa ka mid ah:
1- Roomaatiisamka
2- Riixa
3- Caabuqa lafaha
4- Lafo beelka iyo lafo burburka
5- Fibromayalgia
6- Lafo xanuun ka dhasho hormoonada jirka dhibaato ku timaado.
6- Xanuunno kale oo jirka ku wada dhaco oo lafo xanuun watane way jiraan.

Marka si loo fahmo xanuunka ku hayo nooca uu yahay waxaad u baahantahay in lagugu sameeyo baaritaan lagu kala saaro xanuunadaas ee fadlan la xiriir takhtarkaaga ama takhtar ku taqasusay xanuunnada lafaha ee Rheumatologist.

Xanuunadaas kor ku tixan horay ayaan uga wada hadalnay waxaad ka dhex baaran kartaa websiteka.