Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 03, 2015, 01:51:52 AM

Title: Su'aal: Saliid Caddeyda, Faa'iido ma lee dahay?
Post by: CilmiSabca on September 03, 2015, 01:51:52 AM
Dr. Saliid caddeyda (vegetable oil) haddii aan cuntada ugu cunno sida saliid Macsarada isla markaana aan jirka iyo timaha-ba marsado, faa'iido ma lee dahay? Wey dhacdaa in la is mar mariyo saliiddaan. Marka waxaan rabnaa in aan wax badan ka ogaano saliid caddeyda oo dadka qaarkiis ay ku labalaboodaan.

Waxaan kaloo rabaa Doctor, in aan wax ka ogaano in ay saliid caddeydu sun tahay iyo in kale, maadaama laga yaabo in ay ku jiraan Omega 6 iyo Omega 3 aan isku miisaamaneyn. Waxaana u maleynayaa cudurro badan oo Soomaalida ku dhaca, in ay saliiddaan keento, saliidahaan caaggaga ay ku jiraan, badanaa laguma soo qoro waxa ay ka kooban tahay, marka laga reebo xayeysiiska ay shirkadduhu ku sheegtaan in ay saliid caddeydu caafimaadka u fiican tahay.  *sunflower oil, soyabean oil, saff oil, corn oil etc...*
Title: Re: Su'aal: Saliid Caddeyda, Faa'iido ma lee dahay?
Post by: SomaliDoc on September 05, 2015, 02:29:42 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cadeey.png)

Saliid Cadeeyda: Waxtar mise Dhibaato?
Inta aan waxtarka ama dhibka saliiddaan aan ka sheekaynin waa in aan ka hadlo waxa ay tahay marka hore, sababtoo ah qaladaad badan oo laga fahansan yahay ayaa jira saliid cadeyda.

Saliid cadeyda taariikh ahaan wax horay u jiri jiray ma ahayn oo iyada dhanba qarnigii hore dhexdiisa ayay warshadaha bilaabeen in caleenta geedaha si kiimikeysan saliid looga dhalin karo, saliidaas oo si raqiis ah u dabooli karto baahida dunida ku soo badanaysay.

Marka maadaama ay noqotay jid cusub waxay warshadihii bilaabeen in wixii caleen la is dhihi karaba saliid ayaa laga samayn karaa in lagu dhaqaaqo waxaana soo baxay tobaneeyo geed oo saliid laga dhaliyay.

Dhibka iyo cabsida ka dhalatay isticmaalka saliid cadeyda ayaa waxay tahay in:
1- Saliiddii oo aan si dabiici ah geedaha looga soo saaraynin oo horay loo yaqiinay sida macsarada, zaytuunka, qunbaha, laakiin saliid cadayda waxaaa loo soo saaraa qaab kiimikeed oo haddii aad riiqdid kaliya caleenta geedka saliid kaaga dhalan mayso ee waa in aad waxyaabo kale ku dartaa si saliid looga helo!
2- Cabisda labaad waa geedihii oo badan oo kala duwan iyo faa'idadii laga helaayay saliidda oo isu dheelli tirnayn taasoo caafimaadka saameyn ku yeelan karto, inkastoo cilmibaaris lagu sameeyay saliid cadeyda qaar ka mid ah in caafimaadka wadanah u daran tahay.
3- Shirkadihii samayn jiray oo aad u batay oo si aan kontarool lahayn u sameeya, waxaana dhaca marmarka qaar in dhowr geed oo kala duwan saliidahooda la isku daro, isku daristaan oo dhibaato ka dhalan karto in saliiddii ay isla falgasho sidaasne dhib uu ku imaan karo maadaama lagu arkay saliidaha qaar maaddo la yiraahdo "Erucic acid" oo aad ugu badan taasoo jirka sun ku ah.
4- Maadaama geedaha laga sameeyo saliid cadeyda ay leeyihiin shirif qofka ku nici karo inuu isticmaalo waxaa lagu daraa maaddo sida Aashitada oo kale ah si urka looga baa'ibiyo.
5- Waxaa markaa ka dib lagu diraa daawooyin midabka badali karo ama caraf gooni ah u yeeli karo si dhibsasho la'aan ah loogu darsan karo cunnada.!

Baynamaa saliidaha kale ama subaga caanaha laga culo aysan soo marin qaababkaas ayaa caafimaad ahaan waxaa lagula taliyaa qofka in uu ka fogaado saliid cadayda in uu cunno ku darsado ama ku karsado.

Waxaa intaa sii dheer in ay jiraan dad ka diyaariyay qoraallo kala duwan inkastoo aysan cilmibaaris sax ah ku imaan in ay dhici karto xanuuno badan oo ka mid yahay gaaska, wadna xanuunka iyo dheefshiid xumada ku soo badatay dunida in ay xiriir la leedahay saliidaha cunnada lagu karsado ee kiimikeysan, waana wax dhici karo.

Waxa kale oo jiro oo la arkay waa arrinta aad ka dhawaajisay oo ah isu dheellitirnaan la'aant dufanka Omega 6 iyo Omega 3, taasoo saliidaha qaar ay ku badan tahay Omega 6 oo marmarka qaar u dhiganto 10 omega 6 iyo 1 Omega 3 ah.
Waxaana caafimaad ahaan la ogyahay hadduu isudheellitirnaan la'aantaas dhacdo in Omega 6 keeni karto xanuuno badan oo ay ka mid yihiin kansarka ku dhaca naasaha dumarka iyo ugxansidaha.

Marka taladu waxay noqonaysaa, maadaama qaabka loo sameeyay saliiddaan ay dhici karto in dhibaato caafimaad keento in loo wareegsado saliidaha kale ee la hubiyay caafimaadkooda oo soo jireenka ahaa kuwaasoo warshad u baahnayn sida saliid macsarada oo dhulkeena laga heli karo, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Faa'idooyinka caafimaad ee saliid macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0)

Qaladaadka waxaa ka mid ah in dadka badankood aamineen in khudaarta iyo miraha ku sawiran gasacyada iyo caagadaha saliidda lagu keenay in ay saliidda ka samaysan tahay, taasi wax ka jiraa ma lahan ee waa xayaysiin iyo suuqgeyn, maadaama saliid cadayda loo yaqaano "Vegetable Oil" oo ah saliida qudaarta ayaa waxaa lagu soo sawiraa qudaar kala duwan si niyadda laguguu dhiso!.

Saliidaha caafimaad ahaan ku badalan karto waa kuwaan:

Dadbaa aaminsan in saliid kastoo geed laga sameeyo ay ka caafimaad badan tahay subagga xoolaha laga helo sida midda hilibka laga shiilo ama caanaha laga soo saaro, taasina ma ahan mid sax ah, ilaahay biniaadankaan wuxuu jirkiisa ugu talagalay wixii isaga uu abuuray oo dabiici ah in loo adeegsado, wixii si dabiici ah aad ku heshane jirkaaga diidi mayo wax dhib ahne ma gaarsiinayo laakiin wixii la soo badalo ama kiimiko lagu daro ama la soo warshadeeyo caafimaadka biniaadanka uma roona, taasi ha ahaato miisaanka aad mar waliba wax ku qiimaynaysid.

Haddii aad faahfaahin uga baahan tahay qoraalkaan ama su'aalo aad qabtid waad na soo waydiin kartaan.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Saliid Caddeyda, Faa'iido ma lee dahay?
Post by: CilmiSabca on September 05, 2015, 02:47:30 PM
Aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoc.
DR. Cuntada ka sakow, Haweenka saliiddaan timaha iyo jirka-ba marsada, ilmahoodana u mariya, maxaad kula talineysaa? Maadaama ay madaxa marsanayaan.
Title: Re: Su'aal: Saliid Caddeyda, Faa'iido ma lee dahay?
Post by: SomaliDoc on September 05, 2015, 02:58:33 PM
Waxay dhakhaatiirtu tiraahdaa waxii jirkaaga gudihiisa u daran dushaadane uma roona, marka saliid cadayda noocyadeeda xunxun ka ilaali dibada iyo gudaha jirkaagaba.