Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: C/llaahi aadan on June 19, 2017, 06:11:17 PM

Title: Su'aal: Ilmo 2 bil jira, caanahee u fiican?
Post by: C/llaahi aadan on June 19, 2017, 06:11:17 PM
Wll dakaatirada waxaan waydiinayaa ilmo yar oo laba bilood jira caanehee ufiican oo caanaha hooyada loogu dari karaa
Title: Re: Su'aal: Ilmo 2 bil jira, caanahee u fiican?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2018, 07:37:08 PM
Hadduu 2 bilood jiro, waxaa haboon in caanaha hooyada kaliya la siiyo, inkastoo hooyooyinka badanaa ay iska dhaadhacsiiyaan in caanahooda aysan ku filnayn cunugga, haddiina ay hooyada fikraddaa ka dhaadhacdo ama ay isku mashquuliso sidaas ayayba caanaha ku yaraadaan, fadlan akhriso qoraallo aan horay uga hadlay oo ku saabsan arintaan:

Waxyaabaha caanaha yareeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0)
Waxyaabaha caanaha lagu kordhiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5931.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5931.0)
Faa'idooyinka naas nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0)

Haddii ay hooyadu ku adkaysato inay caano kale ugu darto waxaad siisaa caano lo' oo saafi ah oo la karkariyay haddii aad wadanka ku nooshahay, haddiise aad dibadda ku nooshahay waxaad siisaa caanaha caruurta loogu talagalay ee warshadaysan adigoo da'diisa ku siinaysid. Mahadsanid