Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Akhaa Binu Jowhari on September 30, 2017, 09:51:19 PM

Title: Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on September 30, 2017, 09:51:19 PM
Asc
Doc...
ugu Horreyn Doc waxan kaaga mahad celinaya dadaalka arrimaha caafimaad ee hagar la'aanta ah aad u hayso bulshada soomaaliyeed melkasta ay daafaha caalimka kajoogaan, waxan ku leeyahay ilaah  Garabkaga hagalo.
intaas kadib, haddii su'ashayda gudo galo waxa weye Doc kawarn caafimaad ahaan cunista maskaxda Ariga yacnii ma dhib aya keenta mise faa'idoyin. anigu inbadan baan doonayey in aan kaa weydiyo su'al
doc, waan jaclahay maskaxda ariga ilaa yaraanteyda ayan cunayey waan kehelaaa waxay u qaab egtahay sida ukunta camal dhadhan ahaan, jwb kasugaya insha'allh,
Title: Re: Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?
Post by: SomaliDoc on September 08, 2018, 04:24:00 PM
(http://somalidoc.com/Topics/maskaxari.png)

Bismillah,

Maskaxda xoolaha meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa laga cunaa, iyadoo biyo lagu kariyay ama saliid lagu shiilay, dhadhankeedu waa sida birta oo kale, dad badanne ma jecla inay cunaan.

Maskaxda boqolkiiba 30% waxay ka koobantay dufan weliba nuuca loo yaqaano "DHA", kaasoo muhiim u ah jirka bini'aadanka khaasatan dhinaca maskaxda, waxay maadadaan kobcisaa shaqada iyo firfircoonida maskaxda.

Diraasad lagu sameeyay dadka qaba xanuunka niyad jabka "Depression", waxaa lagu arkay in maadadaan "DHA" ay aad ugu yar tahay maskaxdooda, taasoo loo fahmay kullamaa ay maadadaan maskaxda ku yaraato kullamaa unugyada maskaxda ay howlgabaan.

Maadadaan "DHA" waxay aad muhiim ugu tahay caruurta koraysa iyo hooyooyinka uurka leh.

Faa'iidooyin kale oo ay cilmibaarayaashu sheegeen ma jirto, inkastoo bulsho walba ay sheegto in faa'idooyin dheeraad ah laga helo laakiin ma ahan wax cilmi ku dhisan.

Ma jirtaa xanuuno iyo cudurro laga qaado cunista maskaxda?
Markii laga tago dufanka "DHA" ee faa'idada leh, waxaa kaloo maskaxda ka buuxa dufanka kolestaroolka kaasoo caafimaadka u daran sidaa darteed dadka dhiig-karka iyo kolestaroolka qaba waxaa looga digaa inay cunaan maskaxda xoolaha.

Waxaa kaloo jirta cabsi ku aadan in cunista maskaxda laga qaado xanuuno xoolaha kaga dhaco maskaxda khaasatan lo'da kaasoo loo yaqaano "variant Creutzfeldt-Jakob disease", xanuunkaan oo aan wax daawo ah loo haynin illaa iyo hadda, laakiin weli xoolaha ariga laguma sheegin.

Ma jirtaa cunnoooyin kale oo laga helo karo maadadaan "DHA"?
Haa, DHA waxaa kaloo laga helaa kalluunka nuuciisa dufanka leh, ukunta inkastoo ay maadadaan ku yar tahay, cagaarka biyaha ka dul baxa ee "Algae" iyo burka / qamadiga lagu soo warshadeeyay maadada "DHA"

Talada SomaliDoc

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha ama dhakhtarka toos u gala xiriir qeybta farriimaha ee bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)
Title: Re: Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?
Post by: Milica_soomali on September 15, 2018, 01:21:09 PM
(http://s01.flagcounter.com/mini/ezoj/bg_FFFFFF/txt_000000/border_CCCCCC/flags_1.jfif)
cunto aad u wanaagsan