Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on June 25, 2018, 06:42:48 PM

Title: Su'aal: daawadashada dadka kale ee qaaqaawan?
Post by: Ahmed_Carab on June 25, 2018, 06:42:48 PM
Asc dhakhtar .. aadaa u mahadsan tihiin .. su'aasheyda waxaa weeye:

Waxaa jira dad dhaqan iyo caado ay u tahay iney fiiriyaan mise daawadaan dadka kale ee qaaqaawan; sida iney musqulaha dadka ka fiiriyaan iyo sidoo kale iney si qarsoodi ah u fiirsadaan mise u daawadaan lamaanayaasha isqaba oo isku galmoonaya, Waxaad arkeysaa in dadkaan ay ku walfeen arintaan ayagoo juhdi iyo dadaalba ku bixinaaya sidey u arki lahaayeen dad nude ah mise sex sameenaya, markaad weydiiso waxa ku kalifay arintaan foosha xun waxey kuu sheegayaan in ay addiction ku noqdeen oo ay iska dhaafi karin.  Marka dhakhtar dadkaan malagu tilmaami karaa iney qabaan nuuc waali maskaxeed ah ayna u baahan yihiin daween degdeg ah?
Title: Re: Su'aal: daawadashada dadka kale ee qaaqaawan?
Post by: SomaliDoc on January 01, 2019, 08:37:31 PM
Cilladaan waxaa loo yaqaanaa "Voyeurism", waana qeyb ka mid ah cilladaha dhinaca jinsiga galo ee loo yaqaano "Paraphilia", inkastoo qof walboo sidaas sameeyay aan la dhihi karin laakiin dhakhaatiirta dhimirka waxay shardi uga dhigaan inuu qofku ka wayn yahay 18 sano, arintaane caado uu ka dhigtay, ku walfay ayna dhib ku tahay inuu iska gooyo, markay sidaas noqoto waa inuu qofka cilladaan qabo raadsadaa talo dhakhtar.