Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Engxaam10 on November 23, 2018, 08:43:21 PM

Title: Su'aal: Garaaca wadnahayga ayaa is khilaafa?
Post by: Engxaam10 on November 23, 2018, 08:43:21 PM
ASALAAMU CALEYKUM Waan idin salaamey dhamaantiin bahda soamlidoc haddi aan guda galo suaasha
waxaan dareema garaaca wadnahayga oo is khilaafa  sida markaan orad sameeyo markaan jimicsi sameeyo inuu aad moodo in madaxa dhiiga laga goosanayo , markaan jiifo hadda arinkaas wuxuu i haystaa muddo hal sano ah ,maxaad igula talin lahaydeen .
waan idin salaamey waxaan filayaa inaad iisoo jawaabi doontaan
Title: Re: Su'aal: Garaaca wadnahayga ayaa is khilaafa?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2019, 08:45:39 PM
Garaaca wadnaha oo hakad ama khalkhal galo waa xanuun halis ah oo u baahan in la hubiyo, sidaa darteed fadlan dhakhtar la xiriir, faahfaahinta waxyaabaha keeno cilladaan, afka qalaadne lagu dhaho "Atrical Fibrillation" ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0)