Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on May 11, 2017, 02:52:44 AM

Title: Su'aal: Shawada ayaan isku celin jiray?
Post by: Abdi21 on May 11, 2017, 02:52:44 AM
asc dr jazaakalaahu khayral jazaa moowduuc aad soo dhigtay ayaan ka helay cilad aan ku wareeray taas oo ahayd in kaadida iga baxsato oo aanan celi karin waxan u tagay dhaqtar baaritaano badan kadib waa la waayay wax cilad ah lkn nasiib wanaag moowduuc aad uga hadashay biyaha ama shahwada oo gadaal ninka ugu laabato ineey keento ayaan arkay ana yaraanteeydii waxaanba sameeyn jiray marka aan biyo baxayo ayaan xubinta taranka madaxa ka qaban jiray oo aan ku celin jiray ilaa eey shahwada oo dhan dib ulaabato lkn ma ogayn wax yeelo ineey geeysan karto hada qaabkee isku daweeyn karaa mise heli karaa daaweeyn mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Shawada ayaan isku celin jiray?
Post by: SomaliDoc on October 09, 2017, 07:49:51 PM
Sida aan horay uga hadlayba waa halis in shahwada isku celisid ama xubinta aad ceejisid iyadoo shahwadu imaan rabto, waxayna taasi u horseedaa dhowr arrimood oo ay ka mid tahay:
1- In tubada xubinta ragga dhex marto inay dillaacdo ama dhaawac uu gaaro sababtuna waa cadaadiska biyaha ku soo bixi lahaa oo aad ku dhex xannibtid.
2- In shahwada ay dib u goosato marinkii halka dhinac inay wax u soo maraan loogu talagalay ee u dhaxeeyay kaadi heysta iyo ibta, taasi waxay keenaysaa inuu marinkaas faruurmo oo hadhow celinta ama xakameynta kaadida ay dhib kugu noqoto, waana mid hadda muuqato sida aad tilmaantay.

Baaritaanka kaliya ee lagu xaqiijin karo in marinkaas faruurmay ama dhaawac gaaray waa in lagu saaro raajo dheeh leh, taasoo ah in kaadi hesto lagu shubo daawo raajada ka soo muuqanayso si loo arko in kaadida ay ka siibanayso kaadiheysta adigoo aan kaadinin.

Fadlan la xiriir dhakhtarka loo yaqaano "Urlogist" oo howshaani tahay takhassuskiisa, Caafimaad baan kuu rajaynayaa.