Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A/qadir Abdi on April 23, 2015, 09:41:50 AM

Title: Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?
Post by: A/qadir Abdi on April 23, 2015, 09:41:50 AM
Asc Dr. Waxaad Information Iga Siisaan TB-da Ku Dhacda Qanjidhada Waxa Keena,Astaameheeda Iyo Waliba Sida Loo Daaweeyo Aad Baan Idiinku Mahad Naqayaa Bahda SomaliDoc
Title: Re: Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?
Post by: SomaliDoc on April 25, 2015, 01:35:59 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan tiibiida qanjirrada ee loo yaqaanno "Goondallaariyo": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3841.0.html)
Title: Re: Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?
Post by: A/qadir Abdi on April 25, 2015, 03:14:59 PM
Dr. Lakin Aniga Waxa I Bararsan Kaliya Qanjidhada Ku Yala groin Area Ama Afsomali Lagu Dhaho Saracda Wax Xanuun Ahna Iguma Hayaan mana waawaynaanayaan dheecaana ma leh waliba dusha lagama arkayee marka aad taabato ayuunbaad dareemaysaa kuukuuskan Illaa Iminka Sanad Baan Sidan Ahaa Markaa Dr Maxay Noqonaysaa Bay Kula Tahay
Title: Re: Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?
Post by: SomaliDoc on May 02, 2015, 11:01:32 AM
Qanjirrada waxaa ka qeyb qaataan difaaca jirka waxayna ku jiraan meelo badan oo jirka ka mid ah sida saracda, kilkilaha, qoorta, caloosha, feeraha iyo meelo kalaba.

Haday bararaan waxay noqonaysaa sadax mid:
1- Xanuun qanjirka ku dhacay sida tiibiida ama kansarka oo kale, mana ahan macnaheeda in qanjir gooniya aya tiibiida ku dhacdo, qanjir kasta way ku dhici kartaa, inkastoo ugu badan tahay midda qoorta gasho.
2- In uu jiro infekshan badan oo jirka la dagaallami waayo, taasoo keento in qanjirraad bararaan, qanjirka bararn waxuu ku tusinayaa infekshan meesha uu ka jiro, haddii midda saracda ay bararan tahay waxuuu infekshan ka jiraa inta saracda ka hooseyso.
3- Haddii dheecaannada qanjirada soo daayo ay ku xirmaan oo meel ay ka baxaan waayaan.

Sidaa awgeed, waxaan kugula talin lahaa in aad la xiriirtid takhtar si loo ogaado waxa keenay in qanjiradaada ay bararaan.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Title: Re: Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?
Post by: A/qadir Abdi on May 05, 2015, 12:22:43 AM
Dr. Ma Laga Yaabaa In Ay Saamayn Ku Yeelato Fertility ga
Title: Re: Su'aal: TB ku dhacda Qanjidhada?
Post by: SomaliDoc on May 07, 2015, 11:25:05 AM
Waxay ku xiran tahay in la ogaado waxa ay tahay marka hore, xanuunada qaar way saamayn karaan qaarne ma saamayn karaan, haddii aad joogtid meel leh baaritaan lagu kalsoonaan karo, waxaa badanaa cad laga qaadaa aad u yar qanjirka bararn, kadibne waa la baaraa sidaa ayaa ugu sahlan.