Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jawahir on July 19, 2015, 07:14:21 PM

Title: Su'aal: 5 maain uur ah ma la dareemi karaa?
Post by: Jawahir on July 19, 2015, 07:14:21 PM
asc wll waxaan qabaa suaal oo ah

5 maalin uur ah gabadha maku dareemi kartaa ?
Title: Re: Su'aal: 5 maain uur ah ma la dareemi karaa?
Post by: SomaliDoc on July 22, 2015, 02:23:53 PM
Haddii aad ka wadid qofka uurka yeeshay ma is dareemi karaa isagoo 5 maalin kadib isagoo wax baaritaan ah samaynin, jawaabtu waa maya.
Qoka ugu horreeya ee fahmi karo wuxuu ku fahmaa labo isbuuc inkastoo ay ugu badan tahay in lagu fahmo 4 usbuuc, waxayna ku xiran tahay qofta iska shakisan sida ay iskula socoto, waa muhiim in caadadaadu aysan wareer lahayn oo waqtigeeda ku timaado.

Astaamaah ugu horreeyo ee aad ku dareemi karto in aad uur yeelatay waa:
- cadaadis mindhicirka ah
- caloosha oo adkaato
- laabta ama bogga oo ku hura
- cabur sanka ah
- gaajo aadan horay u qabi jirin
- warwareer
- dabcigaaga oo is badalo, adigoo waxyar ku badali karaan.
- calaacalaha oo cuncun ka dareentid
- maqaarkaaga oo midabkiisa is badalo ama mugdi soo galo  khaas ahaan ibta naasaha.