Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuukar Xussen Ali on July 30, 2015, 07:38:02 PM

Title: Su'aal: Xaniinta midig ayaa isii yaraaneysa?
Post by: Abuukar Xussen Ali on July 30, 2015, 07:38:02 PM
asc waan adin salamay salaan kabacdi waxaaan rabaa inaan idin weydiiyo su aal ku saab san dhaqatar ayaan u tegey wuxuuna ii soo qoray dawadaan aad magacay yadooda arki dontaan TAMSOLIN0.4MG   IYO MIDDAAN KAALE OO AH OJEN-400  IYO MIDDAN KALE AMITRIPTYLINE  TEPLETESBP25MG aniga waxaan kacabanayaa xaniinta midig ayaa isii yaraaneysa marka marka kadanbeysa marka dhamaan sha haas xaniinta ameey wax dhib  ah kenee mexeysa dawadaan u terikartaa waad mahad san tihiin
Title: Re: Su'aal: Xaniinta midig ayaa isii yaraaneysa?
Post by: SomaliDoc on August 01, 2015, 10:43:42 AM
Horay ayaa lagaaga jawaabay su'aashaan, jawaabtuna waa tan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5880.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5880.0.html)
Fadlan haddii aad faahfaahin uga baahan tahay jawaabta ama su'aalo kale u baahan tahay ku soo gudbi bogga isla su'aashii hore ee su'aal cusub ahaan ha u soo gudbin.
Midda ku saabsan daawooyinka:
Tamsolin waa daawo loogu talagalay bararka qanjirka ragga ee prostate-ka inay yarayso, halkaan ka akhriso qoraallo kusaabsan waxa uu yahay qanjirka borostaatada iyo cilladaha ku dhaco.
1- Bararka Qanjirka Borostaatada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1105.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1105.0.html)
2- Dhibaatooyinka ku dhaca qanjirka prostate-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html)
3- Sidee lagu ogaan karaa in aan qabo cillad prostate-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3162.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3162.0.html)
OJen 400, waa daawo antibiotic oo loo qaato caabuqa ama infekshanka ku dhaco jirka.
Amitryptyline waa daawo qofka dajisa oo hurda siiso waxaa kaloo lagu daaweeyaa daalka iyo murqo xanuunka.