Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed Ali Mohamoud on August 10, 2015, 07:58:03 AM

Title: Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?
Post by: Ahmed Ali Mohamoud on August 10, 2015, 07:58:03 AM
Salaan Kadib Waxaan samayn jiray Jimicsi Ubadan Oroda iyo Homemade Exercise, Kadib Waxaan dareemay Xanuun kaadi haysta iyo Aageeda ah kuma arag wax is badal ah Kaadidayda imana xanuujin jirin markaan kaad shayo, Lakin markaan ordo baad waxaad moodaa in Kaadihaysto ay lulmanayso oo xanuunka aan dareemi jiray.

Maalmo Kadib Waxaan dareemay Xoogaa Kilyaha oo marmar i xanuuna iyo Xiniin yaha oo idheeraaday ina Xanuuna Habeenkii marka aan seexanayo iyo Marka aan dusha ka taabto.

Alxamdu lilaah Hadda Waa ka fiicnahay Wax daawo ahna Maqaadan Lakin wxaan rabay inaan ogaado xanuunkaas dhakhtar aan u tagayna wax badan igama sheegin

Mahadsanidin
Title: Re: Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?
Post by: SomaliDoc on August 10, 2015, 11:08:40 AM
Waxaan kugula talin lahaa in aad iska baarto haddii ay jiraan wax qururux ama dhagax ku jira kilyaha, tubada kaadi mareenka ama kaadiheysta, sababtoo ah, xanuunka la dareemo meel ka mid ah intaas markii la jimicsado, marka kalane la caafimaad qabo waxay u badan tahay in ay jirto cilladaas.

Midda ku saabsan xaniinyaha oo dheeraado taasi waa arrin dabiici ah, marmarka qaarne way dhacdaa, dheeraanshaha iyo soo gaabashada waxay ku xiran tahay heerkulka xaniinyaha iyo dareenkaaga intaba.

Laakiin haddii xanuun jiro waxaad arkaysaa in xiniinyaha ay burtuqyo yeesheen ama wax dheeraad ah ay ku soo kordheen ama kuuskuus aan xiniinta ahayn in aad ku aragtid taasoo culeys ka dhigi karo qooraha, hoosne u dheerayn kara.

Taasi wax walwal dheeraad ah yaysan ku galinin.