Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AarDacar on October 06, 2015, 10:38:58 PM

Title: Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?
Post by: AarDacar on October 06, 2015, 10:38:58 PM
Aaad baad u mahadsantihiin bahda Somali Medical Forums.
Su'aalahan Fadlan Iiga Jawaaba Idinkoo Mahadsan.

1. Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Intee Leeg Ayey Leeyihiin.
2. Cuntadda iyo Biyaha Laysla Cabo Dhib Caafimaad Ma leeyihiin?
3. Caanaha Maraaciga Waxaan Maglay Calool Istaagbaa Laga Qaadaa ee Dhib Maleeyihiin?

Fadlan Markaad Su'aalaha ka jawaabtaan Ma helo meeshay galaan ee sideen ku heli karaa?
email-kan iigu soo dira linkiga:-
maxamed74@gmail.com
Title: Re: Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2015, 11:59:11 AM
Biyaha haddii ay dabiici yihiin oo aan lagu soo darin daawo ama kiimiko wax u dhibi karta, dhib ma lahan haddii ay caagaga ku moorgaraysan yihiin, waana muhiim in ay muddo kooban oo sida ay warshada ugu tala gashay in ay ku jiraan.

Midda labaad waxaa caafimaadka ku jiraa hada ka horne waan ka hadalnay waxyaabaha dheefshiid xumada keeno mustaqbalka waxaa ka mid ah in cunnada iyo biyaha la isku cabo taasoo caafimaad u roonayn.

Midda ugu dambayso caanaha lo'da waxaa ku jiro proteins, kuwaasoo dadka qaar ay calool istaag u keento, laakiin macnaheeda maahan qof kastaa oo cabo caanaha maraaciga inay calooshu fadhiisanayso, waa dadka xasaasiyada ku qabo borotiinadaas gooniga ah waxaa ka mid ah borotiin la dhaho Soya protein oo caanaha lo'da laga helo.

Su'aalaha badanaa markii lagaaga jawaabo waxaa si automatic ah u helaysaa ogaysiin emailka kuugu soo dhacayso, haddii aad inbox-ka ka waysid ka fiiri "Junk Folder", haddii kale markaa soo booqatid forum-ka qeybta kore waxaad ku arkaysaa qoraalkaan "Show new replies to your posts." ku dhufo si aad u akhrisatid jawaabaha su'aalahaaga oo idil.