Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aqoonyhanka on February 26, 2016, 06:44:48 AM

Title: Su'aal : waxaan ahay anosmic person (qof waxba-urin) ?
Post by: Aqoonyhanka on February 26, 2016, 06:44:48 AM
asc salan kadib waxaan rabaa in la ii sharaxo waxaan ahay anosmic person (qof waxba-urin) welibana ku dhashay daawase ma leedahay welina aan dakhtar u tagin 22 jirna ah cidna aan u sheegin xataa xafadaya ama waalidkayga maxaa la isoo jeedinayaa talooyin caafimaad soomaalidase see ku yahay waxba urintu waa maad san tihiin.
Title: Re: Su'aal : waxaan ahay anosmic person (qof waxba-urin) ?
Post by: SomaliDoc on March 03, 2016, 02:02:03 PM
Urin la'aantu waa cillad ka timaada dareenka carfinta iyo urinta oo la waayo, wuxuu noqon karaa cillad lagu dhasho iyo cillad gadaal ka timaado, waxa ugu badan ee gadaal ka keeni kara waxaa ugu caansan xanuun loo yaqaano "Sinusitis", ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)
Haddii sida aad tilmaantay aad u malaysid in aad ku dhalatay, waxaa habboon in aad dhakhtar u tagtid si loo ogaado halka ay cillada ka jirto.