Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Ritaaj on July 11, 2016, 10:04:21 PM

Title: Su'aal: Madaxa ayaa waxaa iiga soo baxay nabro?
Post by: Umu Ritaaj on July 11, 2016, 10:04:21 PM
ASC dhamaan walaal madaxa ayaa waxaa iiga soo baxay nabro qaar af leh igo qaar aan laheyn mudo kadib wey iga baa ba'een laakiin marki ey nabrihi iga dhamaadeen maalmo kadib madaxeygi maqaarkiisi wax adag ayuu noqdey oo qolof cad yeesha qolof tan agoolka ka badan oo culeys igu heysa wilibana igu soo faaftey ilaa hada ey soo gaari rabto maqaarka suniyaha isha u dhow waana qolof cad oo cambaar oo kale ah oo daadaneysa marka walaal mexey noqon kartaa maxaanse kula tacaali karaa
mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Madaxa ayaa waxaa iiga soo baxay nabro?
Post by: SomaliDoc on August 31, 2016, 08:45:26 PM
Nabraha ka soo baxo basada markay raystaan waxay mararka qaar isu badalaan haaro adag, wayna baab'i doonaan markuu madaxa qolof dhacsado laakiin haddii aad wax isbadal ah wayso fadlan al xiriir dhakhtarka cudurrada maqaarka.