Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xasany on May 26, 2017, 09:15:28 PM

Title: Su'aal: Waxaan isku arkay buruq yar oo xaniinta bidixda ah?
Post by: Xasany on May 26, 2017, 09:15:28 PM
Asc wr waan idiinkaga mahad celinayaa sida aad isugu xilqaanteen u adeegidda Bulshada.
Waxaan aqriyay Qoraal aad uga hadasheen xaniinyaha dhiiga kuxirmay ee galaha aan unaqaano anigase wax yara kaduwan ayaan isku arkay,
Markaan ugudbo su'aasheyda waxaan isku arkay buruq yar oo xaniinta bidixda ah korkeeda kutaalo wax xanuun ah iguma heyso waqti badana waa igutaalay honqor ayaan moodi jiray habeen anoo riix riixaayo ayaa qoyaan kayimid waxaan kutiray warqada safaleetiga ahaanta loo isticmaalo habeen ayey aheyd dhiig ayaan umaleynaayay  Nalka markaan lategay wey kaduwanaadeen wixi dhiig wax aan garan waayay ayey naqdeen kuuskina wuu baaba'ay xattaa marka aan riixayo dareen xanuun ah malaheyn warqadi wixi aan kutirayne waxaan haayaa sawir  aan kaqaaday qaab aan ugusoo diro waan garan waayay halkaan haddii aad iga jaahil bixin kartaan waan jeclaan lahaa inaan wax ka ogaado buruqdaas yare xaniinta iigataalay sawirka waxa ka imaadayne si'aad u aragtaan waan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago wcs
Title: Re: Su'aal: Waxaan isku arkay buruq yar oo xaniinta bidixda ah?
Post by: SomaliDoc on December 17, 2017, 10:25:23 AM
Bismillah,

Hadduuba ahaa kuus aad tuujin kartid oo dheecaan ka imaanayo maahan wax gudaha xiniinyaha jiro, laakiin wuxuu ahaa wax qooraaha korkiisa ku eg, waxayna u badan tahay cillad loo yaqaano "Epidermal cyst" oo ah dulduleelada qooraha oo xirmo kadibne kuus isku badalo, kadibne la tuujin karo oo wax cad oo jaallo xigeen ah ka soo baxaan, wixii faahfaahin oo ku saabsan cilladaan ka akhriso qoraalkaan  oo aan ku faahfaahiyay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8468.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8468.0)

Haddii aad u baahan tahay in warqado ama sawirro noo soo dirtid oo ku saabsan cilladaada, noogu soo hagaaji qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)