Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Savage8 on January 05, 2018, 05:45:01 AM

Title: Su'aal: Biyo baxa dag dag ah iyo Awood dari?
Post by: Savage8 on January 05, 2018, 05:45:01 AM
Asc dhakhtar marka hore

Marka xigta waxaan ahay wiil soomaaliyeed oo dhibaato ka haysato qaybta raganimada mudo badan ayaan siigaysan jiray ama gacantayda ayaan biyaha iskaga keeni jiray mana ogayn in ay dhibaato ii keenayso. Hada dhibka aan qabo waa biyaha oo hal daqiiqo wax ka yar igaga imanaya mana awoodo marlabaad. Dhakhtar ayaan utagay wuxuuna isoo qoray kiniinka la dhaho Priligy 60mg kadibna laba jeer ayaan isticmaalay markii hore 1 saac kadib ayaan galmo sameeyay wax isbadalna ku maanan arag markii labaadana waxaan sugay mudo ku dhaw 3 saac wax isbadala ah ma arag.
 
Maxaad igula talin lahayd dhakhtar

Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Biyo baxa dag dag ah iyo Awood dari?
Post by: SomaliDoc on December 07, 2018, 12:15:45 AM
Cilladda biyo-baxa waxa keeno iyo talooyin ku saabsanba ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0)