Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hhusein101 on January 05, 2018, 05:28:39 PM

Title: Su'aal: Xanuun laga dareemo xaniinta bidix?
Post by: Hhusein101 on January 05, 2018, 05:28:39 PM
Mudo hada laga joogo sedax sano kadib markaan gutay xaajadeyda oo aan sariirta ka soo degay ee aan dhilka imid ayaa hal mar xaniinta aan xanuun ka dareemey  Mudo bil ah mar key docotay ayaan dhaqtar utagay waxa u sheegey meesha laga gayo kaadi ayuu iga qaaday, wax aad qabto ma leh ayuu igu yiri, ee xididka dhiiga soo qaado ee xaniinta keena waaye, diclofen 50mg ayaa la II soo woray, lakiin xanuun meel dheer ah ayaan mararka qaar dareema haba u badnaato marka ay kaadi iqabato iyo marka aan seexdo habernkii, mararka qaar xanuunka xaniinta ka bilowda legta hoose ayuu ku dhamaadaa  , aad ayaan uga welwalaa Dr maxuu noqon karaa xanuunkan maxaase lagu daaweeyaa,  waad mahadsan tahay,
Title: Re: Su'aal: Xanuun laga dareemo xaniinta bidix?
Post by: SomaliDoc on December 07, 2018, 12:14:37 AM
Xiniinyaha xanuuno kala duwan ayaa ku dhaco, sida warkaaga ka muuqdane muddo 3 sano ayaa xanuunka dareemaysaa, waxaa habboon inaad dhakhtar la xiriirtid si laguu wiisiteeyo, midda kale xanuunka ugu badan ee soo boodada ah ee la dareemo xaniinyaha waxaa la dhahaa "Epididymitis" oo qaabkaas kuu qaban karo, faahfahintiisa ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0)