Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mustafe Hanad on May 08, 2018, 02:44:51 AM

Title: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
Post by: Mustafe Hanad on May 08, 2018, 02:44:51 AM
Asc Dhamaan Bahda Somalidoc.Waxan Ahay Wiil 22 Jir Ah. Waxan isku Arkaya Mudo ilaa Hada laga joogo dhowr sano xanuun xabadka ah,waxan mar u qaatay inaan wadno xanuun qabo, waxan dareemaa qaadashada neefta oo i dhibaysa,xabadka xaga hoose oo yara raacsan dhanka bidix lafta sooyara taagan ee loo yaqaano sakaarka iyo dhanka bidix ee ku toosan laftaasi sakaar ayaan xanuun damqasho ah ka dareemaa. Kadib markii mudo sidaa ahaa,ayaa waxa iigu biirtay in murqo xanuun garbaha iga bilaabmay oo waxan caadaystay markay taasi igu timiday inaan garbaha gag-gag ka siiyo anoo gacmaha kor u tuuraya,kadib muraqa qoorta ayaa i bilaabay inta badan markaan dareemo qoorta ayaan qac-qac kasiiyaa,gacmaha ayaa isoo raaca murqo xanuunka dhulka laabatada ah. Jilbaha ayaa sidoo kale inta badan markaan fidiyo iyaguna qac-qac i yidhaahda shanqadh aan maqlayo. Marmarka qaar marka neef qaadashadu igu adkaato waan yara foorarsadaa qaabka rukuucda oo kale anoo neef qaadasho raadinaya,ama intaanyara istaago ayaan awood adeegsadaa si neefta i dhibaysa aan u qaato, markaan jiifsadana culays yar ayaan ka dareemayaa xabadka iyo xanuun xaga lafta sakaarka ah. Dhakhtar waan u tagay mudo hada laga joogo 10 Bilood waxa uu ahaa dhakhtar xaga wadnaha ah,wuxuu i saaray Comp. wuxuu ii sheegay inaanan wadne xanuun qabin,Jimicsi uun aan sameeyo,sida ciyaarta kubada iyo orod. Hase ahaatee wax daawo ah imuu siin,kubadii ma ciyaaro orodna ma sameeyo laakiin socodka caadiga ah uunbaan badsadaa.waxana dhakhtar kale ii sheegay inaan leeyahay xanuunka gaastari bacteria. Balse iyadoo Dhakhtarku wadnuhu sidaa iga Dhahay Hadana xanuunadaa aan kor kusoo sheegay wali sidoodii ayaan u wada dareemayaa, Waxa mudooyinkii u danbeeyay isoo raacdayba,inaan feedhaha dhanka bidix ee la toosan wadanaha aan dubaaxin ka dareemo, sidii in meel gag-gag laga iga siinayo,ama meel feedhaha agteeda ahi iyara bood-boodayso,waxa kale oo habeeno yar kadib maalintaasi,naaska bidix dushiisa aan ka dareemay iyadna dubaaxin,ama sidii naaska dushiisa inay meel iga bood-boodayso,gag ayaa laga siinayaa ilaa naaska bidix xagiisa Kilkilada,waxa iyadna aan isku arkay in miisaankaygii 4 iska kay dhimay halka aan markii hore ahaa 63 aan hada ahay 59.  Markaa xanuunkayga waxan uga shakiyay wadno xanuun,hadana waakaa dhakhtarki aan la xidhiidhay mudo hada laga joogo 1 sano uu ii sheegay inuu wadnahaygu caafimaad qabo,isagoo waliba Comp-tarka wadnaha i saaray. waxa kale oo aan iyadna aan caadaystay soo jeedka habeenkii oo igu badan. Markaa dhamaan bahda Somalidoc dhakhaatiirta waxan idinka codsanayaa inaad isoo jawaabtaan hadaad xanuunkayga wax uun ka garateen iyo wixii aad Talo caafimaad i siinaysaan. waanan idiinka mahadcelinayaa inbadan sida Hagar la'aanta ah ee aad ugu adeegaysaan bulshada Soomaaliyeed.
Title: Re: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2018, 09:26:43 PM
Walaal qaabka laguu haayo shaqo kuma lahan wadne-xanuun, waxayne iila egtahay xanuun la yiraahdo "constochondritis", kaasoo galo carjawda isku hayso lafta sakaarta iyo feeraha, faahfaahintiisa ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0)

Inta kale ee aad gadaal ka dareentay sida naqaska oo culeys ka dareentid oodne u baahan tahay inaad xoog u soo saartid, dubaaxinta murqaha naasaha ka korreeyo waa waxyaabo la wada xiriira xanuunkaan, meelaha kale uu galo waxaa ka mid ah qoorta oo garbo xanuun la dareemo, markuu halkaas galane waxaa loo yaqaanaa magac kale, faahfaahintiisane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0)
Title: Re: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
Post by: Jabril Abdukadir on February 24, 2022, 06:27:15 PM
Walal aniga xanunkan oo kale Ayan dareemaya weliba xabadka feeraha xanunka wan ka dareemaya fadlan waxan u baahanahay talk caafimaad
Title: Re: Su'aal. Xabad Xanuun iyo neefta oo dhib ah?
Post by: Milica_soomali on April 04, 2022, 11:14:14 PM
(http://s01.flagcounter.com/mini/ezoj/bg_FFFFFF/txt_dddddd/border_ffffff/flags_1.jfif)