Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aisha Hamud Mohamed on March 22, 2019, 07:50:12 AM

Title: Su'aal: Shirkad la dhaho "Forever Living Product"?
Post by: Aisha Hamud Mohamed on March 22, 2019, 07:50:12 AM
Asc wr wb aad baad umahadsantihiin somali Doctors caawimaada aad siisaan umada soomaliyeed aniga suaashaydu waxay tahay waxaa jirta shirkad la dhaho forever living product oo soo saarta wax yaalo cosmetics iyo daawooyin isku jira daawoyinkaas oo isku jira sharaabyo,kaniiniyaal iwm marka anigu dhawaan ayaan ku biiray shirkada waxaana gadaa alaabta inta cosmetics ka kaliya maxaa yeelay waxaan ka baqay hadan siiyo dadka dawooyinka ay leeyihiin cuduro bay daawo uyihiin ay ka mid yihiin gaaska,dhiig karta,sonkorta,dadka dhalmada iska waaya in uu wax kale ii keenan dadkiina aan wax ugu gaysto marka fadlan iga caawiya shirkadaas iyo alaabeheda hadii aad idin ku wax ku daawayseen ama aad aragteen wax isticmaalay oo idinla so xariiray mahadsanidiin