Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Daahir12 on June 12, 2017, 11:41:45 AM

Title: Su'aal: Waxay leedahay lalabo saa'id ah?
Post by: Daahir12 on June 12, 2017, 11:41:45 AM
asc wllo:
waxaan qaba su,aal. een , waxaan ahay nin dhalinyaro oo xaas leh,oo ay uur uleedahay kasoo ah kii ugu horeeyay oo bil iyo bar ah intan qiyasay. ,waxaan ku arkay calaamado  aan fahmi wayay maadaama aanan khibrad wayn ulahayn dhinaca dumarka , oo ay kamid yihiin , lalabo saa id ah ,markay cutada cunto,wax yar kabcdi way matagaysa , oo waxay cuntay oo dhan way so celin waxanana la iyiri sii kanini matag jojin ah oo la siyo dumarka wayna isticmashay waxna wa ka tari wayay, waxa kaloo jira dhadhanka carabka  oo dhan mar mar ma dareemayso qaraar/kharaar ayay daremysa ,sidoo kale madax wareer aya jira .
insha allah illahay ha idin waafa jiyo jawaabta
mahadsanidiin dhamanten
wabilahi towfiiq
 
Title: Re: Su'aal: Waxay leedahay lalabo saa'id ah?
Post by: SomaliDoc on February 23, 2018, 08:09:17 PM
Taasi waa astaamo ay isku arkaan hooyooyinka uurkooda cusub yahay, waxaana loo yaqaanaa "Wallac", waxyaabaha lagu garto iyo siyaabaha loola tacaalo ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=200.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=200.0)

Inkastoo haweenka qaar ay aad ula xanuunsadaan markaasoo wallaca isku badalo xanuun loo yaqaano "Hyperemesis Gravidarum" oo hooyada u baahan karto in faleebooyin lagu xiro si loo fuuqceliyo, nafaqane loo siiyo, mataggane looga joojiyo, markaasoo kale isbitaal ayaa la jiifiyaa.

Waan ka xumaha inay jawaabta kaa soo daahday sababto la xiriira tira badnida su'aalihii kaa horeeyay ee haddii aaad qabtid su'aalo degdeg ah mararka soo socda ku soo gudbiso qeybta messages-ka ee bogga Facebook-ga: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)