Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan-Deeq on February 06, 2012, 03:17:18 AM

Title: Su'aal Qureec/Quraac la'aanta subaxdii caafimaad daro miyay keentaa ?
Post by: Hassan-Deeq on February 06, 2012, 03:17:18 AM
Asc wr wb dhamaan doctorska iyo asxaabka webka ku xiran salaan kadib.
walaalaha doctorska waxaan mudo sanado ah ku noolaa qurbaha anigoo iskaabulo ah waxaana caado ii noqotay intaan iskaabulada ahaa in aanan subaxdii qureecan/quraacan qadada kohorna aanan afkayga waxba saarin hada alhamdulilaah xaas ayaan yeeshay waana quraacdaa waxaanse dib dambe ka maqlay haduusan qofku subaxdii wax cunin in ay caafimaad daro leedahay taasoo aan is iri waa wax macquul ah oo maskaxda gali kara hadana waxaan is iri horta doctorska kasoo hubi intaadan iska dhaadhicin marka ilaahay cilimiga ha idiin siyaadiyee arintaas maxaa ka jira ma runbaa in ay qureec/quraac la'aantu caafimaad daro leedahay ?
Title: Re: Su'aal Qureec/Quraac la'aanta subaxdii caafimaad daro miyay keentaa ?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 02:28:25 PM
(http://somalidoc.com/Topics/quraacda.png)

Quraacda waa cunnada ugu muhiimsan ee la cuno, waa shidaalkii uu qofka ku shaqo tagi lahaa, waxaana muhiim ah in cunanda subaxii la cunayo ay noqoto cunno caafimaad leh oo laga fogaado waxyaabaha warshadaysan ama faa'idada lahayn.

Baaritaanno lagu sameeyay caruur iskool ka dhigata dalka ingiriiska, qaarne ay quraacdaan qaarne aanan quraacan ayaa lagu ogaaday in ay caafimaad badan yihiin kuwa soo quraacdo, maxaa yeelay qofka haddii uu shaqo ama waxbarasho galo isagoo jirkisia ay ku yartaay tamarta khaas ahaan gulucose-ka, waxaa aad u yaraato wax soo saarkiisa iyo wax fahankiisaba.

Taas darteed wuxuu jirka judi dheeraad ah ku bixiyaa in uu daboolo baahida maskaxda ay u qabto tamartaas taas oo uu qofka ka qaadi karo caafimaad xumo, mideeda kale oo la arkay ayaa ah dadka aanan quraacan subixii in duhurkii markii la gaaro ay dareemaan madax xanuun iyo wareer taas oo calaamad u ah in maskaxda ay ku yaraatay sonkorta.

Midda kale oo iyadane baritaanka lagu ogaaday ayaa waxay ahayd in dadka aanan quraacan ay ka buuran yihiin dadka quraacdo, waana arrin lid ku ah fikrada la aaminsan yahay oo ah in quraac ka tagista la isku caateeyo.

Marka si aad caafimaad u heshid, cayilne uga badbaadid, joogtey quraacda maalin kasta.

Akhriso qoraal ku saabsan Hurdada Duhurkii iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4818.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4818.0)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)