Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on September 26, 2016, 02:35:46 PM

Title: Su'aal: Cudurada laga dareemo cidiyaha?
Post by: Abdi21 on September 26, 2016, 02:35:46 PM
Dr waxaan rabaa inaan wax ka ogaado imisa cudur oo jirka ku dhaca ayaa calaamadahooda laga dareemaa cidiyaha waxan isku arkay maalmahaan wareer badan iyo tabar dari cidiyaheeygana dhexda ayey cadaan ka noqdeen oo aad moodaa in dhiiga ka kala tagay mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Cudurada laga dareemo cidiyaha?
Post by: SomaliDoc on October 20, 2016, 08:45:44 PM
Way jiraan cudurro badan oo lagaga qiyaas qaato cidiyaha sida wadna xanuunka, beer xanuunka, kilyo xanuunka, dhiig-yarida, caabuqa fangaska, cilladaha uur-ku-jirta ama dhiiga ku dhaco intaba.

Laakiin waxaa muhiim ah in wiisiteyn guud lagugu sameeyo sababtoo ah fiirinta cidiyaha si sax ah laguma sheegi karo cudurrada badankood, waa in lala raadiyaa astaamaha kale ee jirka ka soo muuqdo.

Midda kale, isbadal wuu ku dhacaa cidiyaha iyadoo wax astaan ah aysan u ehayn cudur. Fadlan dhakhtar la xiriir.