Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gaashaan_2 on May 13, 2017, 02:57:12 AM

Title: Su'aal: Gariir wadne garaac iyo tamar la'aan?
Post by: Gaashaan_2 on May 13, 2017, 02:57:12 AM
ASC BAHDA SOMALIDOC.COM
waad ku mahadsantiviin sida quruxda badan ee aad noogu adeegtaan ....?

Dr waxaan ahy da,adayda 24 sano jir
Waxaan isku arakay mudo 3sano ka badan
1: gariir jidhka oo dhan ah khaasatan marka aan fadhiisto ama aan jiifsado waliba ubadan dhanka midig lugta iy gacanta midig marka qaar marka aan hurdada dhamaysto waxaan dareemaa garir naxdin leh
2: wadne garaaac said ah oo aad moodo in uu gariirka la shaqaynayo ama aay wada socdaan garirka mar marka qaar go'a aan huwanahy ayaan ka dareemaaa heerka gariirka iyo wadna xanuunkaygu gaarsiisan yihiin ....
3:awood la,aan labada gacmood iyo iyi labada lugood ah  waliba gacanta iyo lugta midigwaana mesha uu gariirrku ugu nadan yahy....

Markaa dr waxaaa jirta dhakhaatiir aan la kulmay waxay igu dhaheen wadna garaacaaguna waa normal gariirkuna waa caadi wuu iska tagayaaa...  mida kale waxaaa ixanuunaya labada garab salkooda ilaa margiyada haba ubadnaado xanuunku dhanka midige ma laga yaabaa in uu faalig isu badalo hadii wax laga qaban waayo  markaaa xanuunadan maxaa ka dhexayn kara mahadsanid dr
Title: Re: Su'aal: Gariir wadne garaac iyo tamar la'aan?
Post by: SomaliDoc on October 25, 2017, 08:14:26 PM
Cilladaan faalig maahan, mana isku badali doonto haddii aadan horay u qabin xanuunka faaliga keeno, Fadlan akhriso qoraal aan kaga hadalnay dadka uu faaliga ku dhaco iyo xanuunada lala xiriiriyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3552.0)

Mararka qaar waxaa dhici kara iyadoo tirada wadne garaacaagu ay sax tahay, haddane inuu wadnaha ku gariiro oo khalkhal dhinaca korontada ay jirto, waxaa cilladaas loo yaqaanaa "Atrial Fibrillation", lagumana fahmo qalabyada lagu cabiro dhiig-karka iyo wadne garaaca, laakiin qaabka uu wadnahaaga u garaacmayo ayuu dhakhtarka ka fahmi karaa qalab la'aan, fadlan akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1423.0)

Midda kale haddii wax cillad ah aan wadnahaaga lagu arkin baaritaan ka dib, waxaa jiri karo gariir la xiriiro xanuuanda murqaha ku dhaco, gariirkaasne waxaa loo yaqaanaa "Fasciculation" ama dubaaxin, marka waxaa haboon in aad dhakhtar cudurrada guud la xiriirtid si loo ogaado cilladaadu waxa ay tahay iyo qaabka laguu qabanayo labaduba.

Haddii aad u baahan tahay in wada sheekeysi kaala yeesho xanuunkaaga si aan faahfaahin dheeraad ah u helo, farriin iigu dhaaf boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)