Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nabadon on February 19, 2016, 12:15:29 PM

Title: Su'aal: Markaan Kacsado Biyuhu Iskadareerayaan Si Bilaa xad Ah?
Post by: Nabadon on February 19, 2016, 12:15:29 PM
ASc Dhamaan Dhakhaatiirta Page Kan Kashaqaysa Gaar Ahaan Abdillahi Mahdi

Waxaa Qabaa Su Aal Waxay Udhacaysaa Sidan

Magacaygu Waa Nabadon Ahmed Abdillahi Waxaan Ku Nolahay Somalia Waxaan Jiraa 23 Sanno Waxaan Isku Arkay Waaydan Danbe Arin Aan Lacajabay Taas Oo Ah In MArkaan Kacsado Biyuhu Iskadareerayaan Si Bilaa xad Ah Sidokale Waxaa Jira Inay Ixanuunto Inta Kahoosaysa Xudunta Kaadidu Iyana Isbadal Ayaa Kajira Waxaan Qataa Kaniini Oo Waxaa La igu sheegay dhagax kilyaha ah Waxaa Jirtay Inaan Mudo Siigaysan Jiray Lkn HAda Waan Joojiyay Magaranayo Arinkan inuu xiriir laleeyahay lkn waxa iigu daran waa shahwadaas iskasoo daadanaysa wixii jawaab ah iyo wixii tallo ah waan soo dhawyn mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Markaan Kacsado Biyuhu Iskadareerayaan Si Bilaa xad Ah?
Post by: SomaliDoc on February 25, 2016, 03:05:43 PM
Markuu qofka dareen galo, waa caadi inuu dareemo dareere ka yimaado ibta oo ka khafiifsan shahwadii la yaqiinay, waxayna ku xiran tahay dareenkaaga heerka uu gaarsiisan yahay, waxyaabaha ka dhigo qofka inuu dareenkiisa si sahlan ku kaco, dareerahaane joogto noqdo makrastuu qofka wax dareemo waxaa ugu horreeyo siigeysiga, waxaa ku xiga daawadasahda aflaanta xunxun, waxaa ku sii xiga infekshan ama caabuq qanjirka borostaatada iyo kaadi haysta.

Maadaama aad tilmaantay meesha xudunka ka hooseyso in ay ku xanuunto u tag dhakhtar si lagaaga baaro infekshan, kana fogow caadooyinka aan caafimaadka u fiicnayn.
Title: Re: Su'aal: Markaan Kacsado Biyuhu Iskadareerayaan Si Bilaa xad Ah?
Post by: Nabadon on March 04, 2016, 02:31:56 PM
ilaa hada iima aydan soo jawaabin walalayaal !!