Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samatar.143 on November 29, 2017, 10:13:50 PM

Title: Su'aal: 3 sano miisaankeyga muusan kordhin?
Post by: Samatar.143 on November 29, 2017, 10:13:50 PM
Asc dr
Dr waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo dadiisa tahay 20 sano jir. Dr waxan ku waydiin lahaa imika mudo laga joogo 3 ila 2 sano weight jidhkeygu ama miisaankeygu muu kordhin iney wax kasii dhinman moyane koradh ma laha marka dr si aan miisaankeygu u kordho maxan isticmalaa ama sameeyaa?
Waxanu udhaxeeyey miisaankeygu 58 - 60kg

Mahadsanid Dr
Title: Re: Su'aal: 3 sano miisaankeyga muusan kordhin?
Post by: SomaliDoc on November 29, 2018, 04:47:31 PM
Miisaanka oo hoos u dhaca ayaa laga walwalaa ee hadduu miisaanka halkiisa taagan yahay wax dhib ah ma keeno, sababtoo ah waxa aad cunaysid iyo tarmarta aad bixinaysid ayaa isku dheelli tiran. fadlan ak faa'idayso talooyinka aad miisaankaaga ku kordhin kartid oo casharkaan ku jira: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1710.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1710.0)